Dhkhaatiir Maraykan ahHargeysa(Araweelo News Network) Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta Xafiiskiisa ku qabaailsay

 

dhakhaatiir ka socday Jaamacada Hardvard University ee dalka Mareykanka oo maali-mihii ugu danbeeyey dalka safar shaqo ku joogay.
Madaxweyne xigeenka ayaa kulankaa warbixin ka siiyey dhakhaatiirta xaalada nabadeed ee uu dalkani ku sugan yahay, isagoo yidhi, “Waad aragteen dalkan Somaliland waa nabadgelyo ah oo cid wax ku yeelaysa ma jirto, malaha budhcad badeed, malaha argagixiso,laakin dalka Soomaaliya waxa ka jirta amaan-daro oo sida aad Somaliland isaga dhex soconeysaan Soomaaliya uma socon kartaan”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne xigeenka Somalialnd wuxuu warbixintaa ka dib ka codsaday dhakhaatiirta ka socday Jaamacada Harvard ee dalka Mareykanka inaanay noqon markii ugu horeysay ee ay Somaliland yimaadaan, balse ay si joogto ah dalka u yimaadaan si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka bulshada ka heysta xanuunada maskaxda ku dhaca. “Waxa ugu weyn ee dadka dhibaatada ku hayaa waa qaadka, oo loo baahan-yahay in wax laga qabto”.

Mulkiilaha Cusbitaalka Neerfaha ee Hargeysa(Hargeisa Neurology Centre) Dr.Ciise Kayd ayaa markii uu dhamaaday kulankii uu madaxweyne kuxigeenku la yeeshay  waxa uu saxaafada war-bixin ka siiyey u-jeedada dhakhaatiirta mareykanku dalka u yimaadeen, isagoo yidhi, “Waxa maanta na qaabilay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),taasi waxay muujinaysa ahmiyada ay dawladu ka leedahay iyo weliba halka ay ka taagan tahay daweynta dadka cudurada dhimirku ku dhacaan iyo tababarka dadka ka shaqeeya cudurada maskaxda ku dhaca oo aanu anagu gacan ka siin doono”. Ayuu yidhi Dr. Ciise, wuxuuna xusay in aanay dhakhaatiirta la socday noqonayn ee ay dalka degi doonaan oo ay ka shaqayn doonaan tababarka dhakhaatiirta iyo wixii Wasaaradda Caafimaadku uga baahato.

Dr.David C.Henderson oo hogaaminayey dhakhaatiirta mareykanka ee ka socda Jaamacada Harvard ee dalka mareykanka ayaa waxa uga mahad-celiyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland soo dhoweynta uu xafiiskiisa kusoo dhoweeyay, isagoo yidhi, ‘Way kala gedisan yihiin safarkayagan iyo Hay’addaha kale ee waddanka yimaada,waayo annagu waxaanu doonaynaa inaanuy tababarno dhakhaatiirta Caafimaadka ee ka soo baxaysa jaamacada Hargeysa, waxaanu keeni doona dawooyinkii lagu daweynayey dadka maskaxda ka buka iyo qalabka lagu daweeyo xanuunada ku dhaca dhimirka. Waa markii ugu horeysay ee aan Somaliland nimaadno waanu ku faraxsanahay waa dalka nabada oo wanaagsan”.

Sidoo kale waxa Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade oo isagu kulankaasi goob-joog ahaa ayaa sheegay inuu dalka Somaliland ku soo dhaweynayo dhakhaatiirtan mareykanka ee ka socda Jaamacada Harvard University, isagoo yidihi. “Waxaan marka hore leeyahay ku soo dhawaada Somaliland. Waxaanu saaka la kulanay dhakhatiirtan ka socota Jaamacada Harvard ee dalka Mareykanka ee uu hogaaminayo Dr.David C.Henderson iyo xubnaha la socda, oo runtii imaanshiyahooda waxa ka qeybqaatay Mulkiilaha Cusbitaalka neerfaha ee Hargeysa Neurology Centre Dr.Ciise Kayd, oo runtii kaalin weyn kaga jira daweynta umadda reer Somaliland, gaar ahaan inta ka bukta maskaxda.Dalkani waxa uu soo maray dagaalo fara baddan oo soconayey tobaneeyo sanno, waxa ku dhacay bur-bur xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo xagga maskaxda bini’aadamka ah oo ay dadku ka dhaxleen dagaaladii faraha badnaa ee aynu la galnay wakhtigii Siyaad Barre.”Ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu sheegay in aanu dhakhtar ahayn, bal;se ay jiraan dad marohooda sita oo suuqa jooga oo xanuunsanaya, kuwaas oo uu sheegay  in loo baahanyahay dhakhaatiirtu inay baadhaan oo daweeyaan.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *