Muqdisho(Araweelo News Network) Qarax weyn oo ka dhacay Madaxtooyada Somalia ee Xasan sheekh Maxamuud ayaa sababay geerida Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) oo

ka mid ahaa xubnaha ugu cad cad Baarlamanka Somalia.
Qaraxa ayaa  haleelay gaadhi uu lahaa xildhibaanku, isagoo waqtigaa kasoo baxay qasriga Madaxtoodda xafiiska raysal wasaaraha xilka laga qaaday Saacid oo ay saaxiibo isku dhow ahaayeen, isla markaana uu xildhibaanka ku dhintay qaraxu ahaa xubnihii dagaalka ugu jiray in aan Raysal wasaare Saacid laga tuurin kursiga.

Goobjoogayaal Halkaku dhowaa agagaarka ayaa sheegay In qaraxu u muuqday mid gaadhiga xildhibaanka lagu soo xidhay. Sidoo kale Xildhibaan Siidoow Abaadir oo warbaahinta la hadlay qaraxa ka dib ayaa cadeeyay in Xildhibaanku isagoo dhaawac ah la geeyay Cusbitaalka, balse uu dhaawacii soo gaadhay u geeriyooday.

Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) , wuxuu ahaa  Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed, waxaana tacsiyeeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo canbaareeyay qaraxaa oo aanay jirin cid sheegatay.
Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ayaa sii kordhay mudooyinkii u danbeeyay, iyadoo kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira dawlada Xasan Sheekh iyo ciidamada shisheeye maalmihi u daneeyay weeraro habeen iyo maalin ka fulnayeen magaalada Muqdisho iyo deegaamo kale oo ka tirsan Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *