Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Oo Qudbad Ka Jeediyay Shirka Xisbiyada Dumuqraadiga Ee Afrika Iyo Ajandayaasha Lagaga HadlayDar es Salaam(Arraweelo News Network)Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha xisbigaa Xasan Siciid Yuusuf ayaa ka qaybgalay shalay shirkii tobnaad ee

 

xisbiyada dimuqraadiga ee qaarada Afrika oo ka furmay  xarunta dalka Tanzania.

Shirkaa oo lagaga hadlayo sidii loo hagaajin lahaa nidaamka xisbiyada iyo hanaanka dumuqraadiyada, waxa ka qaybgalay wufuud ka kala socda in ka badan 18 dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo hogaamiyayaashoodu ka socdaan axsaabta ka jirta dalalkaa.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo todobaadkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Tanzania ayaa qudbad uu ka jeediyay madasha shirkaa ayaa  tilmaamay kaalinta xisbiga Kulmiye uu ka qaatay dhismaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ka dhacay dalka Somaliland, waxaanu xusay in ay xisbi ahaan u qorshaysantahay oo ay ka go’antahay in xisbgoodu Kulmiye uu hormood ka noqdo xisbiyada ka jira qaarada Afrika ee astaanta u ah nidaamka dumqumraadiyada la doonayo in afrika ay si fiican uga dhaqan gasho.

Sidoo kale Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sharaxad ka bixiyay nidaamka geedi socodka dhinaca dumuqraadiyada iyo doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay Somaliand , kuwaas oo uu sheegay in ay dunidu kaga heleen sumcad , kadib markii ay Somaliland iyadoo aan aqoonsi dunida ka helin ay qabatay doorashooyinkaa oo dhamaantood xukunka si nabad ah loogula kala wareegay, isagoo tusaale usoo qaatay doorashooyinkii Madaxtooyadda ee Somaliland sanadihii 2003 iyo tii ugu danbaysay ee madaxtooyada 2010, taas oo  Madaxweyne Siilaanyo oo hogaaminayay xisbiga Mucaardka aha waqtigaa ee xiligan ah muxaafidka uu gudoomiyaha u yahay kula wareegay talada dalka.

Shirweynaha xisbiyada ka jira qaarada afrika ayaa mudada uu socdo waxa lagu faaqidi doonaa sidii Afrika si dhab ah looga hirgelin lahaa nidaamka dumquraadiyada iyo axsaabta badan, taas oo qayb weyn ka ah horumarka bulshooyinka Afrika oo wadamadooda ay ragaadiyeen musuq-maasuq iyo xukuno digtaytar ah oo aan ku iman doorashooyin. Sidoo kale waxa la filayaa in shirka lagaga hadlo horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada Agfrika iyo sidii bulshooyinka Afrika u samayn lahaayeen is dhexgal iyo is kaashi.

Shirkaa oo ay soo qabanqaabiyaan xarunta dumuqraadiyada ee Tanzania oo loo soo gaabiyo (TDC) oo kaashanay Machadka dumuqraadiyada iyo axsaabta badan (Netherlands Institute for Multiparty Democracy ) iyo Hay’addaha horumarinta dhinaca dumuqraadiyada.
Waxa sanadkii hore ka qaybgalay 11 dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo kala ah wadamada Kenya, Uganda, Mali, Mozambique, Burundi Malawi, Tunisia iyo Tanzania oo ah dalka hormoodka u ah ee lagu qabto shirkaa sanad walba.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *