Hargeysa(Araweelo News Network)Khilaaf ka aloosan wasaaradda warfaafinta Somaliland oo u dhexeeya Wasiirka Cabdullaahi Daahir Cukuse iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas ayaa

si weyn u murgiyay hawshii wasaaradda iyo adeegyadii ay bulshada u haysay.

Sidoo muranka iyo khilaafka u dhexeeya labada masuul ayaa kala qaybiyay shaqaalaha iyo hawlwadeenada wasaaradda warfaafinta Somaliland, iyadoo ay soo baxayeen ilaa xalay qoraalo bayaano iska soo daba baxayay oo kala taageerayay labada masuul, isla markaana qaarkood qoraaladaa is beeninayeen.

Qaar ka mid ah suxufiyiinta ugu waaweyn eek a hawlgala wasaaradda warfaafinta oo ah hawlwadeenada ugu mihiimsan eek a hawlgala Telefishanka qaranka, isla markaana qaarkood ka hawlgaan Idaacadda radio Hargeysa ayaa beeniyay qoraaladaa qaarkood oo magacyadooda lagu xusay, kuwaas oo qaar ka mid lagu canbaaraynayay Maareeyaha TV qaranka, isla markaana loogu baaqayay in Madaxweyne Siilaanyo soo farageliyo khilaafka ka taagan wasaaradda, balse waxa ay sheegeen in aanay qoraaladaa waxba kala socon oo arrinta khilaafka Wasiirka iyo Maareeyaha ay tahay arrin maamul, iyagoo dhinaca kale muujiyay in Maareeyaha TV qaranku wax weyn qabtay mudadii uu xilka hayay.

Sidoo kalewaxa jiray qoraalo kale oo lagu canbaaraynayay wasiirka, isla markaana lagu muujinayay dhaleecayn la xidhiidha khilaafkaa oo dusha laga saarayay Wasiirka.

Khilaafkaa oo aan si dhab ah loo ogayn waxa uu salka ku hayo, balse lala xidhiidhiyay inuu ka dhashay muran dhinaca awooda iyo maamulka ah, ayaa soo baxay maalmihii lasoo dhaafay. Kadib markii Wasiirku shaqadii ka joojiyay Maareeyaha Telefishanka Qaranka , taas oo Maareeyuhu ku gacansaydhay, isagoo ku tilmaamay in aan wasiirku xaq u lahayn in uu ka joojiyo shaqada.

Wasiirka Wershedaha Abiib Nuur Diiriye oo ahaa Wasiirkii hore ee warfaafinta ee xilka ku wareejiyay wasiirka hadda Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay arrinta khilaafka Wasaaradda, wuxuuna ku tilmaamay talaabadda wasiir Cukuse mid faragelin ah, isagoo yidhi,  “Runtii  khilaafku sidiisaba maaha shay fiican,  aniga  markii wasaaradda magacaabay Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta waxaa layla magacaabay  Khadar Cali Gaas, isagoo wakhitgaas Madaxweynuhu u Magacaabay  Tv-ga Qaranka, Magacaabista Mareeyaha waxaa lagu  cadeeyay Dikreeto uu Madaxweynuhu ugu madax banaaneeyay hawlihiisa shaqo,  taas oo ay ku cadayd Madaxbanaanida MaamulkaTelefeeshinku.   Markaas aniga wuxuu doorkaygu ahaa inaan maamulo  siyaasadda  guud iyo kormeerka  Tv-ga  Qaranka.

Sida haddaba  la wada ogyhay Dikreetadaas ayuu ku madax banaana Telefeeshinku  intii aan joogay manaan  faro galin jirin  anigoo ogaa  sida aanu hawlaha u kala lahayn, waxaana runtii  wakhtigaas naga dhaxeeyay Maamulka Telefeeshinka  wada shaqayn fiican gaar ahaan Mareeyaha.” Ayuu yidhi Wasiirka Wershedaha oo ka hadlay khilaafka labada masuul.

Dhinaca kale mudadii uu socday khilaafka u dhexeeya labada masuul, waxa uu ahaa mid sii xoogaysanya, isagoo afka ka galay qasriga Madaxtooyada, isla markaana masuuliyiinta xukuumadda qaarkod kala raaceen laba masuul khilaafka u dhexeeya, iyadoo aanay weli Madaxtooyadu xal u helin xalinta arrintaa oo curyaamin karta hawlaha qaran ee wasaaradda warfaafinta iyo Telefishanka qaranka oo waqtigan si weyn looga daawado dacalada dunida, taas oo si weyn loogu amaano Maareeyaha Khadar Cali Gaas oo mudadii uu joogay muujiyay awooda TV qaranka.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *