Laascaanod(ANN)Gaadhi Booyad ah oo nooca Biyaha qaada ah, ayaa lala beegsaday qarax. Kadib markii gaadhigaa oo marayay Koonfurta Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, kaas

oo aan wax khasaare ahi ka dhalan.
Wararka qaar ayaa sheegayaa in gaadhigaa Booyada ah oo uu lahaa nin shicib ah, waxaana khasaare soo gaadhay gaadhiga, iyadoo qaraxa la rumaysanyahay inuu ahaa kuwa sheeda laga maamulo.
lama garanayo sababta qaraxa loola beegsaday gaadhigaa, wuxuuna qaraxu kusoo beegmay xili lagu jiro diyaar garawga  ciida, iyadoo magaalada Laascaanood dhawrkii sanadood ee u danbeeyay  lagu dilay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo  ugu danbeeyay xisaabiyihii gobolka oo dhowaan lagu dilay magaalada Laascaanood. Kadib markii dablay aan la aqoonsani la beegsadeen tacshiirad rasaas ah.
Dilalka qorshaysan  iyo qaraxyada, ayaa sanadii u danbeeyay ka socday magaalada Laascaanood,  kuwaas oo aan intooda baddan waxba qaban.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *