Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan Uu La Yeeshay Culimada Dalka Kaga Hadlay Doorka Culimada Ee Arrimaha Nabadgelyada Iyo Argagixisada Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Culimada Somaliland ee dalka oo ka kala yimi Lixda Gobol ee Somaliland. Kulankaa oo ahaa

mid Afur iyo casho uu Madaxweyne Siilaanyo  la yeeshay culimada dalka, ayaa laga hadlay arrimaha nabadgelyada iyo doorka ay ku leeyihiin.  Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo saxaafada loo qaybiyay, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo),  ayaa caawa kulan Afur iyo Casho sharaf ah la qaatay Culimada  Reer Somaliland oo ka kala yimi 6-da Gobol ee Somaliland.
Kulanka  oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ahaa kulan ay madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay yeesheen, kaas  oo la xidhiidha is xog-waraysi iyo sidii ay culimado aw diinka Somaliland u xoojin lahaayeen nabadgelyada, ee ay awalba caadada iyo dhaqanka u ahayd culimada una ilaalin jireen nabadgelyada.
Kulankaa is xog-waraysiga ah, ka dib waxa Culimada hadal kooban oo mahadnaq iyo dardaaran u jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uga mahadnaqay culimo aw diinka sida qiimaha badan ee ay u soo ajiibeen kulankan, isaga oo madaxweynuhu culimo aw diinka xog-waran ka siiyey xaalada guud ee nabadgelyada dalka iyo doorka ay ku leyihiin ka culimo ahaan.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay Culimo aw diinka sida ay uga qayb qataan baraarujinta ay marwalba la garabtaagan yihiin mushtamaca reer Somaliland.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=1392bcd7f597bde4&attid=0.4&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1345069523166&sads=FT5HogLE5iy4OUiWVXhRHzVfGt8
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay culimo aw diinka inay meel uga soo wada jeedaan ugana digaan bulshada kuwa xumaha kula dhex wareegaya ee diinta sida qaldan u fahmay ee ma-jara habaabiya dhalin yarada aan qaan gaadhin iyo kuwa is garxiya ee argagixisada ah, isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay marwalba ka wacdiyaan dhalinta wixii xun.
culimo aw diinkuna waxa ay balan qadeen in ay meel uga soo wada jeesan doonan qarannimada Somaliland iyaga oo ku dheeraaday in nabadgelyadu tahay mid lagama maarmaan u ah qof kasta oo ku nool aduunka, haseyeeshe wixii ku waajib ah ee la xidhiidha wada shaqaynta xukuumad iyo shiciba ay diyaar u yihiin kana wacyi-gelin doonaan wixii dhawacaya nabad-gelyada.
Ugu danbayn waxa Madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay bulshada ugu baaqeen in ay ahaadaan dad meel uga soo wada jeeda jiritaankooda iyo nabadgelyadaba Dalka.
Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=1392bcd7f597bde4&attid=0.7&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1345069778827&sads=QGemdM-pz2zXrHhnx2k90W36CGE
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *