Hargeysa (ANN) Guddoomiyihii Ololaha xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi), isla markaana ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa caddeeyey

 

inuu u sharaxan yahay jagada madaxweyne ee xisbiga UDUB.
Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), waxa uu daboolka ka qaaday in aanay jirin cid uu u daba fadhiisanayo murrashaxnimadiisa xisbiga UDUB dhexdiisa, isagoo tilmaamay inuu dhinaca kale soo dhawaynayo saaxiibadiisa xisbiga dhexdiisa ee damaca madaxweyne ku jiro.
Mr. Cismaan Hindi oo shalay warraysi khaas ah siiyey Jamhuuriya iyo mareegta Gabileynews, ayaa sheegay inaannu cid u daba fadhiisan doonin musharaxnimadiisa.
Jamhuuriya: Xisbiga UDUB ee aad ka tirsanayd waxa in badan ku soo noqnoqday khilaaf kala kaxeeyey oo sababay in masuuliyiintii ugu miisaanka cuslaa ay ururrada iyo xisbiyada ku biiraan, iminkana xisbigii ay ku hadheen oo awoodda ugu weyn ku leeyihiin afar ka mid ah wasiirradii xukuumadii Rayaale, arrinta ka waran?
Cismaan Hindi: Adigaa sheegi doona afarta uu xisbigu u garba duuban, waxaan kuu sheegaya inaan ahay murashaxa madaxweyne ee xisbiga UDUB, cid aan u daba fadhiisanayo inaan musharaxa ka noqdo xisbiga ma jirto, cid aan is leeyahay maanta way kaaga wanaagsan tahayna ma jirto, waan soo dhawaynayaa saaxiibadayda kale ee hunguriga murrashaxnimo ku jirto. Waxa aan aaminsahay in xisbigu aniga igu iibsamaayo.
Jamhuuriya: waxaad ku dhawaaqday inaan musharax tahay, waxa jiray musharaxiin hore ugu dhawaaqday hankooda jagada madaxweyne, kuwaasoo ay is hortaagtay ciday talada xisbigu ka go’do, ma kala tashatay raggaas taladu ka go’do?
Cismaan Hindi: Waan ka xumahay inaad tidhaahdo cid kalay taladu ka go’daa, anigay taladu ka go’daa, sidaan hore u sheegay haddaan doonayo inaan murrashax madaxweyne noqdo cidna u daba fadhiisan maayo, cid i taageerta mooyaane, cid iga hor imanaysa ma jirto.
Shirweynaha xisbiga ayey hor iman doonaan cid kasta oo isu soo sharaxday jagada madaxweyne, halkaasna lagu kala saarayaa.
Anigoo ku kalsoon inaan ahay nin dhallinyaro ah oo mutacallin ah, xidhiidho farabadana dunida ku leh, siyaasada dibadana nin u dhuun-daloolaan ahayn, afaf badan baan ku hadla, cuqaasha, wax-garadka, aqoonyahanka iyo bulshada Somaliland waxaan ku leeyahay gacan weyn, marka Somaliland oo dhan baa aniga igu iibsamaysa.
UDUB hadday baaba’dana, anigoo kaliya igama baab’ayso, Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasina ka baabimayso, ummadda reer Somaliland oo dhan ayuu ka baabaya, waana xisbigii taladii qaranka si dimuqraadiyada u dhiibay.
Jamhuuriya: Maxaad odhan karta musharixiintii hore ee Rayaale is hortaagay waan kaga duwanahay, kuwaasoo qaarkood xisbigaba ka baxeen?
Cismaan Hindi: Anigu ma garanaao, manaan maqal goob inta uu xisbigu isugu yimi, golayaasha iyo martisharaftii kale u dhan tahay oo qof lagu caleemo saaray, laakiin xisbiga UDUB iyo dastuurka qaranku waxay sheegayaan in la dooran karo, waxna uu dooran karo muwaadinka Somaliland, Somaaliduna waxay ku maahmaahda ‘Nin is-faanshay waa Ri is nuugtay,’ laakiin is-faanin maayo anigu ee dhaqaalaha iyo nabadgelyadaba waxbaan ka qabanaya, ganacsadaan ahayd, siyaasadda iyo ganacsiguna way isa shabahaan.
Jamhuuriya: Ma la odhan kara murashaxnimadaadan aad ku dhawaaqday ee aad sheegtay inaannu Rayaale waxba ka ogayn inuu ku odhan karo sidii murashaxiintii kaa horreeyey ku dhacday la iima sheegin, khilaaf kalena uu ka dhasho?
Cismaan Hindi: Guddoomiyaha been baad ka sheegaysa, muu odhan aniga la iima soo sheegin, wuxuu yidhi looma wada dhamayn, guddoomiyuhu xubin buu ka yahay guddida fulinta xisbiga UDUB, waa odaygayagii, laakiin waxaad diidanahay beenaha qaarkood oo aanay waxba ka jirin ee aad qoraysaan, waana nin ixtiraam naga mudan.
Jamhuuriya: Xusbno miisaan culus ku lahaa UDUB oo dhawaan xisbul-xaakimka KULMIYE ku biiray waxay dhawaan sheegeen inay xisbiga uga baxeen, kadib markii Rayaale maroorsaday taladii xisbiga ee uu yidhi xisbigu aniga iga dambaynmayso, taa maxaad kaga jawaabaysa?
Cismaan Hindi: Nimankaasi waa niman aanu ixtiraamayo, waana niman aanu saaxiibnahay, fikir uun baannu ku kala tagnay, guddoomiye talo maroorsadayna taa waxba kama jiraan, balse waxa qancin waayey fikirka siyaasigee meesha yaala,  inta kale ee hadhayna waxaan leeyahay wixii khaldan aynu isla saxno.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *