Addis Ababa( Araweelo News Network)Warar hordhaca oo laga helay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in qarax khasaare

dhaliyay ka dhacay magaalo u dhow dhinaca xadka ay wadaagaan labada dal ee Ethiopia iyo Koonfurta Suudaan.

Sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka Reutrs ugu yaraan  4 qof ayaa  ku geeriyooday qaraxaa oo ahaa mid xoogan oo haleelay  gaadhi  Bas ah oo xilligaa marayay  meel u dhaxaysa deegaanada Sengo iyo Gabeya oo dhaca xadka ay wadaagaanEthiopia  iyo Koonfurta Suudaan.

Afhayeenka dowladda Itoobiya Shamels Kamal ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen qaraxa, wuxuuna dadka dhintay ku tilmaamay “Dad Rayid ah”.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaa,  balse wuxuu kusoo beegmay iyadoo heegan buuxa la geliyay ciidamada dalka Ethiopia. Kadib markii talaadadii lasoo dhaafay xukuumadda dalka Ethiopia sheegtay in ay ka feejigantahay weerar ay sheegtay in uu kagasoo foolleeyahay Al-shabaabta Soomaaliya ka dagaalanta, waxaana hore u jiray qarax ka dhacay caasimada dalka Ethiopia, kaas oo galaaftay laba Nin oo ciidamada Ethiopia sheegeen in ay ahaayeen kuwii diyaarinayay qaraxaa, kuwaas oo waqtigaa ku sugnaa xaafad ay Soomaalidu ku badantahay.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *