http://www.somaliland.org/images/b/2013/11/Marwada-koowaad.jpgBerbera(Araweelonews) Marwadda Madaxweynaha Somaliland Aamina Skeekh Maxamed Jirde oo magac dheer ( Aamina Waris), ayaa dusha u ridatay  hawlaha qaranka , waxayna

 

xadhiga ka jartay xarunta dhismaha madaxtooyadda Berbera ee gobolka Saaxil, taas oo dib-u-dhis iyo casriyayn lagu sameeyey.

Marwo Aamina Weris oo socdaal ku tagtay Magaalada xeebta ah ee Berbera, ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, iyadoo ay masuuliyiinta gobolka Saxil sida badhasaabka gobolkal, mareeye ku xigeenka dekadda Berbera iyo qaar ka mid ah dadwaynaha reer Berbera kaga hortegay tuuladda Sheekh Abdaal ee duleedka Berbera.

Marwo Aamina Waris, waxay munaasibada ay xadhiga kaga jartay dhismaha ka jeedisay hadal kooban, waxayna u mahad celisay masuuliyiinta dekadda Berbera,  kuwaas oo ay sheegtay  in ay qabteen hawl ay ku macnaysay mid qiimo qaranka u leh,  waxayna  tidhi “Aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa, gurigan madaxtooyada Berbera, ee dib loo casriyeeyay, mahad wayn sida uu gudoomiyuhu sheegay waxa leh dekedda Berbera, hawl wayn ayaad qaranka u qabateen oo kuwii hore aad u qabaynayseen aad ku soo biiriseen, Soomaalidu waxay tidhaahdaa hugaaguna wuu kula baryo tagaa, meesha madaxda qarankeenu ku soo degto inay meel la imankaro oo ishu ku dhici karto way fiican tahay, waajib kiinii ayaad gudateen mar labada ayaan idiin mahad celinayaa”.

Badhasaabka gobolka Saaxil, Cali Maxamad Cilmi (Cali Gadheer), oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ku amaanay masuuliyiinta dekadda Berbera , hawsha casi-riyaynta ah ee ay ku sameeyeen guriga martida Berbera, isagoo yidhi, “Gurigani waxa uu ahaa gurigii martida oo dib loo casriyayn lagu sameyey, howshaasna waxa fuliyay maamulka dekeda Berbera , oo aan runtii aad iyo aad ugu amaanyo oo imika u eg madatooyada caalamka qaybo kamida yihiin, gudeheedana aad loo qalabeeyay”.

Sidoo kale Maareeye ku xigeenka dekadda Berbera. Cumar Abokor Jaamac, ayaa warbixin ka bixiyay dib u habaynta lagu sameeyay  guriga martida Berbera iyo mudadii ay ku qaadatay, “Hawshan casriyaynta aanu ku sameeyeen guriga martida Berbera, waxa qabadkii aanu ka qabanay hadaanu nahay Dekadda, sharaf ayay noo tahay in ay noo furto marwada koowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde”. Ayuu yidhi.

Marwo Aamina Weris ka sokow dhismaha ay xadhiga ka jartay, waxa kale oo ay xadhiga ka jartay dhismeyaal kale oo laga hirgaliyay magaalada Berbera,  sidoo kale waxay  kormeertay goobo  kale oo ay ka socdaan mashaariic hurumarineed.

Hase yeeshee  socdaalada noocan ah iyo shaqooyinka ay Marwada Madaxweynuhu qabanay, wax aka dhashay doodo iyo su’aalo qaar badan oo ka mid ah Bulshada Somaliland is weydiinayaan, waxayna doodaha qaarkood ku tilmaameen dhaq-dhaqaaqa sidan ee kale ee Marwada  iyo hawlaha qaranka ee ay dusha u ridatay in aanay ahayn shaqadeeda, maadaama aanu jirin wax xil iyo masuuliyad  dastuuri ah oo ay qaranka u haysaa. Sidaa awgeed kuwa doodahaa qabaa waxay  ku macneeyeen dhaqdhqaaqa sidan ee kale ee Marwada inuu yahay mid muujinaya sataamo iyo sawiro kale. Sidaa awgeed ay Marwadu ku ekaato gurigeeda iyo inay is garab taagto  ninkeeda oo isagu leh masuuliyada koowaad ee qaranka, balse aanay iyadu ahayn qofkii loo igmaday hawlaha qaranka.

Marwo Aamina Wersi  oo ka kid ah haweenka ugu horeeyay ee bulshada Somaalida wax ka bartay, waxay doodah aka dhashay dhaq-dhaqaaqeeda iyo hawlaha ay qabanay qaarkood ku tilmaameen kuwo looga maarmi waayay, balse  kuwa doodahaa qabaa waxay talaabooyinka sidan oo kale ee marwadu xadhiga kaga jaray dhsimayasha, isla markaana kormeerka ku samaynay hawlaha ka socda dalka ku sifeeyeen kuwo ay dayaceen masuuliyiintii lahaa.

Si kasbana ha ahaatee Marwo Aamina Weris oo dadka qaar ku sifeeyaan Umal Mujaahidiin,waxay noqotay marwadii ugu dhaqdhaqaaqa badnayd narwooyinka Madaxweynayaashii soo maray Somaliland, waana marwadii u horaysay ee xadhiga ka jarta dhismayaal Hay’addaha xukuumdda ama hay’addo kale ka hirgeliyeen dalka, iyadoo hore xadhiga uga jartay  goobo caafimaad, dhismayaal addeegyada bulshada ah iyo wadooyin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *