dhaliyay ka dhacay magaalo u dhow dhinaca xadka ay wadaagaan labada dal ee Ethiopia iyo Koonfurta Suudaan.
Sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka Reutrs ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyooday qaraxaa oo ahaa mid xoogan oo haleelay gaadhi Bas ah oo xilligaa marayay meel u dhaxaysa deegaanada Sengo iyo Gabeya oo dhaca xadka ay wadaagaanEthiopia iyo Koonfurta Suudaan.
Afhayeenka dowladda Itoobiya Shamels Kamal ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen qaraxa, wuxuuna dadka dhintay ku tilmaamay “Dad Rayid ah”.
Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaa, balse wuxuu kusoo beegmay iyadoo heegan buuxa la geliyay ciidamada dalka Ethiopia. Kadib markii talaadadii lasoo dhaafay xukuumadda dalka Ethiopia sheegtay in ay ka feejigantahay weerar ay sheegtay in uu kagasoo foolleeyahay Al-shabaabta Soomaaliya ka dagaalanta, waxaana hore u jiray qarax ka dhacay caasimada dalka Ethiopia, kaas oo galaaftay laba Nin oo ciidamada Ethiopia sheegeen in ay ahaayeen kuwii diyaarinayay qaraxaa, kuwaas oo waqtigaa ku sugnaa xaafad ay Soomaalidu ku badantahay.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com