kuwaas oo booqasho ku joogay, isla markaana ku sugnaa magaaladaa.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxaa ay ku dhinteen tiro dad ah oo uu ku jiraan Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Cabdiweli Aw Muxumed sidoo kalena ay dhaawacyo kala duwani kasoo gaadheen, Xildhibaan Axmed Cabdisalaam oo ka mid ahaa siyaasi kasoo jeedaa deegaanka. Iyadoo wararka qaar sheegayaan inay tiro dad ah rayid ahi ku dhinteen halkaa qaar kalena dhaawacyo kasoo gaadheen, balse xaalada oo qasan awgeed ayaan si sax ah loo hayn weli wararka dhabta ah ee khasaaraha qaraxaa.
Qaraxa is miidaaminta ah oo sida ay wararku sheegayaan ka dhacay maqaaxi shaaha laga cabo, ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaa inuu fuliyay qof naftii hure oo bam isku soo xidhay, kaas oo isku qarxiyay goobtaa. Ma jirto ilaa hada cid sheegatay qaraxaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com