Hargeysa(ANN) Dadwayne gadoodsan oo qaarkood ku hubaysnaayeen   qoryaha yar-yar ee Ak47, budhadh iyo dhegxaan ayaa maanta galinkii hore weerar ku soo qaaday xarun Boolis oo ku taala Magaalada Boorama, kuwaas oo xoog kula  baxay 

 mid ka mid ah saddex dareewal oo loo haystay inay wadeen gaadadkii todobaadkii hore xeebta Buul-cadde ee Gobol Awdal kasoo daad gureeyay maleeshiyadii ONLF ee u talaabay dhinaca dalka Ethopia.
 
Dadwaynahan oo qaarkood wateen gawaadhida loo yaqaano bas caasiyadda ayaa waxa u suurto-gashay inay booliska kala wareegaan mid ka mid ah dirawalada oo boolisku doonayeen sida la sheegay inay wakhtigaa u soo qaadaan dhanka Caasimada dalka ee Somaliland si loo bilaabo baadhista dambiga loo haysto.
 
Wararka aanu ka helayno Magaalada Borama ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in dadwaynahan gadooday ay maqleen warar sheegaya in dawlada Somaliland saddexda nin u dhiibayso Itoobiya, balse taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland ayaa  beeniyay jiritaanka warka odhanaya Dirawaliinta ciidamada Itoobiya ayaa loo dhiibayaa, isagoo xusay inay sheekadaasi ahayd tii dadka lagu soo abaabulay ee aanay waxba ka jirin, iyadoo koox yar oo doonayay inay la baxaan dareewaliintaa dadka u sheegeen arrintaa si ay u raacaan.
Dhinaca  kale, ciidamada Booliska Boorama oo markii shaqaaqadu bilaabantay ee uu  socday hawlgalka dadka rayidka ahi kula baxayeen halka dirawal rasaas ku riday dadka ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay laba qof oo kala ah wiil iyo gabadh,  iyaguna qayb ka ahaa shaqaaqada iyo gadoodka.
 
Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hadda wax war ah oo rasmi ah ka soo saarin shaqaaqadaas iyo halka ay dadkaasi  la tageen mid ka mid ah  dareewalada lala baxsaday.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *