Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble, Furre, ayaa shacbiga ku dhaqan caasimada Hargeysa ugu baaqay inay is dejiyaan, waxaanu ka waramay qarax bambo oo maanta ka dhacay suuqa dhexe ee caasimada Hargeysa oo ay ku dhaawacmeen 21 qof.

Taliyaha Booliska  Cilmi Rooble Furre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ku dooday in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 15  qof, kuwaas oo sida uu sheegay dhaawacyadoodu  culus yihiin laba qof oo kala ah  ninkii xanuunsanayay ee Bambadda sitay  oo la yidhaahdo Maxamed Cabdi Aadan iyo Haweenay dadkii kale ee dhaawacmay ah.
“Waxa maanta ka dhacay nin waalan Bambo uu sitay waxaana ku dhaawacmay 15 qof, waxaana ugu dhaawac culus ninkaasi xanuunsanayay iyo Gabadh, waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa inay is dejiyaan oo aanay u qaadan qarax si kale u dhacay waxa uu ahaa waxaasi ninka waalani uu sababtiisa lahaa,”ayuu yidhi Cilmi Rooble Furre.
Dhinaca kale, waxa  cisbitaalka guud ee Hargeysa la gaadhsiiyay 21  qof oo 20 ka mid ah magacyadoodii yihiin sidan hoos ku qoran:-
1)- Maxamuud Yuusuf Baxnaan.
2)-Maxamuud Cawil Xayd.
3)-Hinda Jaamac Axmed
4)-Maxamed Cabdi Aadan. (Ninka Bamka qarxiyay)
5)-Faarax Caydiid Sugaal
6)- Ismaaciil C/Qaadir Axmed
7)-Hibo Xirsi Nuur
8)-Sucaad Xirsi Nuur.
9) Cabdilaahi Jaamac Maxamed
10)-Shaadiya Cabdilaahi Nuur
11)- Rashiid Jaamac Axmed
12)- C/raxmaan Maxamed Xuseen
13)-Daahir Ducaale Sugaal
14)-C/Risaaq Maxamed Axmed
15)-Xasan Aadan Xaashi
16)-Faysal Muxumed Maxamed
17)- Maxamed Cabdi Aadan
18)-Mustafe Cabdi Jaamac
19)-Faadumo Maxamed  Gulleed
20)-Xaafida Maxamed Xuseen
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *