Nairobi(Araweelo News Network)Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in hubka dawlada Somalia la siiyaa u gacangalo kooxda Al-shabaab. Sidaa darteed waxay ku baaqeen in lasoo celiyo cunaqabatayntii

hubka ee Somalia.
Sidaa waxa shaaca ka qaaday warbixn ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka cunaqabateynta hubka Somalia, waxayna warbixintaa ku sheegeen in hub ka yimi dalalka Ereteria iyo Djibouti oo la siiyay dawlada Federaalka ee Somalia saraakiil ka tirsani si fudud ugu gacangeliyeen Al-shabaab oo ah kuwa dagaalka lagula jiro.

Sidoo kale warbixintaa ayaa Kooxda Dabagalka cunaqabataynta Hubka Somalia waxay si cad ugu sheegeen in hubkii beesha caalamka ugu deeqday Dawlada Federaalka suuq madow lagu kala iibsado, kaas oo lagu arkay suuqyada hubka  Muqdisho. “waxaan heynaa Caddeymo iyo sawirro xaqiijin u ah hubka Al Shabaab iyo dagaal oogayaal ugacan galay waana soo gudbin doonaa” ayaa lagu yidhi warbixintaa.

Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in xarakada Al-shabaab ay gacanta ku dhigtay hub casri ah oo la siiyay dawlada, islamarkaana ay jiraan dhinacyo kale oo hubkan wax ka helay, waxayna soo jeediyeen in ay haboontahay in lasoo celiyo cunaqabatayntii hubka ee dhowaan laga qaaday Somalia.

Dhawaaqa Guddiga dabagalka cunaqabateynta hubka ee Somalia ayaa wejigabax ku ah xukuumadda Somalia, wuxuuna kusoo beegmay xilli ay kalsoonida beesha caalamka ee dawlada Somalia sii gudhayso, iyadoo lagu eedeeyay in ay xukuumadda Xasan Sheekh noqotay mid aan waxba ka bedelin xaaladda Somalia, isla markaana ku guuldaraystay in ay wax ka qabato arrimaha amaanka iyo dhinaca nabada, iyadoo taa bedelkeeda dhaqaallaha malaayiinka dollar ee la siiyo loo lunsado qaab aan sharci ahayn, taas oo keenatay in dawlada Turkigu ka joojiso malaayiin dollar oo kaash ay bil walba u siin jirtay.
Sidoo kale warbixinta ayaa kusoo beegantay maalin ka dib markii ay Human Rights Wacht soo saartay warbixin ay si weyn ugu canbaaraynayso falalka ka dhanka ah xuuquuqda aadamaha ee ka dhaca Muqdisho, iyadoo warbixintaa lagu xusay in boqolaal hablo iyo haween kale lagula kacay falal Kufsi iyo gaboodfalo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, kuwaas oo qaarkood lala xidhiidhiyay saraakiisha dawlada iyo Ciiidamada Dawlada, balse aanay waxba ka qaban xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *