Hargeysa(Araweelo News Network)Khilaafka Golaha wakiilada ee u dhexeeya labada garab ee iska soo horjeeda ayaa xal loo waayay. Kadib markii kulankii u danbeeyay ee maanta oo ay xarunta golaha

ku yeesheen gudiyada labada dhinac ku kala kaceen, isla markaana xaqiijiyeen in ay is mari waayeen oo aanay jirin kalsooni ay kusii socdaan wada hadaladu.
Qaar ka mid ah labada garab ee gudiyada oo warbaainta la hadlay markii lagu kala kacay kulankaa ayaa midba midka kale ku eedeeyay in aanay diyaar u ahayn in uu sii socdo wadahadalku, “Ma garanayo sababta ay dawlada ugu canbaaraynayaan arrintan anaga ayaa is haysana, waxaanu nahay aqlabiyadii golaha, markaa haddii ay diideen tanaasulkii aanu samaynay waa in gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro aqbalaa mooshinka golaha yaala.” Ayuu yidhi mid ka mid xildhibaanada garabka xisbiga Kulmiye ee muxaafidka oo ka mid ahaa xubnaha ka qabygalay wadahadalada lagu kala kacay.
Hase yeeshee xildhibaan kale oo ka mid ahaa xubnaha gudida dhinaca Cabdiraxmaan Cirro ee WADDANi uga qaybgalay wadahadalada ayaa sheegay in garabka dhinaca Kulmiye aanay ahayn kuwo go’aanka iyagu leh, balse looga soo yeedhinayo Madaxtooyada, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda in ay faragelin ku samaysay wadahadalka.
Xildhibaanada labada dhinac u saareen muranka iyo khilaafka ka dhashay xeer hoosaadka golaha ayaa ka koobnaa 14 xubnood, kuwaas ooh ore u yeeshay kulamo, balse maanta ku kala kacay. Kadib markii ay is mari waayeen, iyadoo qodobka ugu weyn xeer hoosaadka laysku hayaa yahay ka tilmaamaya awooda golaha iyo codka lagu ridi karo shirgudoonka, kaas oo xeer hoosaadka Guoomiye Cirro ka ansixiyay golaha meesha ka saaray awooda laba gudoomiye xigeen, isla markaana lagu kala qaaday qaabka xilka looga qaadayo gudoomiyaha oo laga dhigay 55 xildhibaan, halka gudoomiye xigeenadana laga dhigay 42, taas oo ah halka muranka ugu weyn ee laysku mari waayay ka taaganyahay, balse waxay sheegeen in ay arrinta ku celinayaan guurtida oo markii hore horseed ka ahayd in ay suurta gal ka dhigaan in goluhu wada hadlo. Sidaana lagu xidhay mudo todobaad ah fadhigii gole weynaha oo loo fasaxay six al loogu helo arrintan.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *