Muqdisho(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku laabtay Magaalada Muqdsiho. Kadib markii muddo laba Todobaad ku dhow xaalad caafimaad uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Madaxwyne Xasan Sheekh oo maanta kasoo degey garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa halkaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin dawlada ka tirsan iyo xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha, isagoo sheegay in socdaalkiisu uu ahaa mid shakhsiyadeed, isla markaana wuxuu beeniyay warar maalmihii u danbeeyay si weyn warbaahinta qaarkeed u shaacisay oo sheegayay in Madaxweyne Xasan Sheekh xaaladiisa cafimaad liidato, iyadoo warbaahinta qaarkeed qoreen inuu geeriyooday, balse waxa uu sheegay in wararkaasi ahaayeen kuwo been abuur ah oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo nabadgelyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu si weyn u canbaareeyay kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira xukuumaddiisa ay taageeraan ciidamada shisheeye, isagoo amaanay ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka Somalia.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *