Egypt(Araweelo News Network)Qaramada Midoobay ayaa si kulul u canabaaraysay tallaabo ay dawlada Milateriga Masar ku maxkamaddaysay 700 qof oo ay

 

ku jiraan hogaamiyihii Ururka Ikhwaan Muslimiin ee dalkaa Maxamed Badiic iyo boqolaal kale oo isugu jira madaxdii Ururkaa iyo taageerayaal ka tirsan Akhwaanka oo xukun deldelaad ah lagu xukumay, kuwaas oo xukunkoodu kusoo beegmay iyada oo shalay maxkmaddu ay 529 qof ku xukuntay dil sidan oo kale.
Dadkaa oo dhamaantood isgu jira madaxdii Ururkaa Akhwaanka iyo boqolaal qof oo ka mid taageerayaashooda, ayaan maxkamadda la horgeyn marka laga reebo 60 qof oo maxkamadda la horgeeyay, kuwaas oo lagu eedeeyay mudaharaadyo rabshado watay oo ay ku dhinteen dad ku dhinteen xiligii la doonayay in xukunka laga tuuro Madaxweynihii la inqilaabay ee Maxamed Mursi.

Qaramada midoobay waxay tallaabada xukunkaa ku sheegtay mid ku cusub taariikhda dunida, isla markaana ka hor imanay dumuqraadiyada iyo xoriyatal qawlka, waxaya xukuumadda Milateriga Masar ku eedeeyeen in ay samaysay wax aan ka dhicin dunida. Kadib markii ay dhawr boqol oo qof maxkamad ku xukuntay xukuno dil ah.
Qareenada u doodayay dadkaa ayaa ka maqnaa maxkamadda markii xukunka lagu dhawaaqay, waxayna arrintani noqotay mid si weyn uga yaabisay bulshada caalamka, isla markaana abuurtay walaac laga qabo in rabshado mudooyinkii u danbeeyay ka jiray dalka Masar sii kordhiyaan, iyadoo ay dawlada Masar waajahday canbaarayn caalami ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *