abdiweligaasGaroowe(Araweelo News Network)Horjoogaha maamulka gobolada Waqooyi Bari Somalia ee Punland,  Cabdiweli Maxamuud Gaas ayaa gaadhay  booqday magaalada Boosaaso  kadib markii uu safar ku tegey

 

shalay magaalada Qardho  ee gobolka Bari, halkaas oo uu uga gudbay magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa  ujeedada safarkiisa lagu sifeeyay mid  ka dhashay cadho ka kacday ka dib markii todobaadkii hore uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) booqasho  kormeer ah ku maray bariga iyo galbeedka dalka Somaliland, taas oo uu magaalada xeebta ah ee Laasqoray oo kulaalay magaalada Boosaaso ku tegey, isla markaana dhagaxdhigay mashaariic waaweyn oo xukuumadda Somaliland ka fulinay deegaanka.
Socdaalka Madaxweynaha Somaliland oo qaatay sagaal maalmood ayaa si weyn usoo jiitay rayal caamka bulshada Somliland, balse waxa uu ka cadhaysiiyay maamulka Puntland oo ku tilmaamay mid daandaansi ah oo lama filaan ku noqday markii ay ku war heleen Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan Laasqoray.
Socdaalka Cabdiweli  Gaas eek u tegey Boosaaso ayaa lala xidhiidhiyay mid ka dhashay booqashada deegaanka ee Madaxweynaha Somaliland oo cabsi gelisay Maamul goboleedka Puntland, balse Cabdiweli ayaa awoodi waayay inuu safar dhinaca dhulka ah isaga gudbo Boosaaso iyo Garoowe. Kadib markii Todobaadkan duleedka Boosaaso wadada Laamiga ah ee isku xidha Garoowe iyo Boosaaso lagu dilay Taliyinii Ciidanka daraawiishata Puntland Col. Jamaac Siciid Warsame Af-guduud, kaas oo ku dhintay weerar lala beegsaday Kolanyo gaadiid uu la socday. Kadib markii Isniintii Todobaadkan koox hubaysan la beegsadeen duleedka magaalada Boosaaso, taas oo sababtay inuu  Cabdiweli Gaas aamini waayo jidka laamiga ah ee isku xidha Boosaaso iyo Garoowe kadibna diyaarad u raacay  deegaanka uu booqanayay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *