araweelonewsKuala Lumpur (Araweelo News Network)Dowladda Malaysia ayaa xaqiijisay in xogta satellite-yada ay muujinayaan in diyaaradeedii rakaabka sidday ee la la’aa todobaadyada ku burburtay

 

koonfuurta Badweynta India.

Raiisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa sheegey in  xogta la heley ee daraasadda lagu sameeyey oo ay soo uruurisey shirkad laga leeyahay Britain, taas oo xaqiijisay in diyaaradii shirkadda Diyaaradaha Malaysian Airlines ee duulimaadka nambarkiisu yahay 370 ay ku dhacday goob aad u fog oo ku dhow galbeedka magaalada Perth, wuxuuna saxaafadda u sheegey in isagoo ka xun uu  shaacinayo in diyaaraddii Boeing 777 ee duulimaadkii 370 ay ku soo afjarantay koonfuurta badweynta India.

Waxaa uu sheegey in dhamaan eheladii 239 rakaab ah oo saarnaa diyaaradda lagu wargeliyey natiijada baadhitaanka Diyaaradda oo ka duushay markii u danbaysay Kuala Lumpur, isla markaana ku sii jeedday magaalada Beijing.
Ka hor intii aan lagu qancin in ay ku dhacday diyaaraddu halkaa, waxa si weyn u baadigoobayay dalal badan oo dunida ah, kuwaas oo doonayay in raq iyo ruux la helo halka ay ku danbaysay diyaaradaasi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *