Nairobi (ANN)Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan arrimaha soomaaliya  iyo Somaliland ayaa sheegay in ay Bilaabmeen  Dadaaladii lagu Hirgelin lahaa shirka golaha amaanku ugu baaqay kooxaha Somalia ee loo qorsheeyay inuu   ka qabsoomo   magaalada Muqdisho badhtamaha

 

bishan june ee aynu ku jiro.

Mr. Ogastina Mahiga oo Shalay galinkii dambe shir jaraaid ku qabtay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa si cad u sheegay  inuu  shirku si rasmi ah u furmayo  12 bishaan June oo  ku beegan wax ka yar laba todobaad, kaas oo ujeedadiisu tahay  sidii dib u heshiisiin iyo nabadayn looga samayn lahaa  kooxaha Somalia ee dagaalada daba dheeraaday ka wada halkaa.
Ergayga Qaramada Midoobay Mr. Mahiga ayaa sheegay in Qaban qaabada shirka ay kala shaqeynayaan Madax kamid ah Xukuumada soomaaliya iyo kuwa kale oo ayaguna ka mid ah xubnaha  Barlamaanka soomaaliya iyo  sidoo kale xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, kuwaas oo sida uu carabka ku dhuftay ka qaybgelaya shirka.
Ogastina mahiga ayaa uga Baaqay mas uuliyiinta dowlada iyo beesha caalamka sidii loo Taageeri Lahaa inuu qabasoomo shirku  bishaan,  islamarkaana loo baahan yahay in umada soomaaliyeed ay fikirto kana tanaasulaan is qabqabsiga dhaxdooda ah maadaama ayuu yidhi, waxa xalka loo raadinaayo uu yahy shacabkoodii iyo dhulkooda marka waa in ay ka tanasulaan arrimaha noocaas  ah ayuu yidhi  Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia  Ogastina Mahiga
Dr. Mahiga ayaa shirkaa  jaraa’id ka dib wareysi  uu siiyay Idaacada VOA-da ku sheegay in guddi wadajir ah oo qaban qaabo  loo saaray shirkaa, kuwaas oo sida uu sheegay  ay qeyb ka ahaanayaan  xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay  sheegay in maamul goboleedyadu ay qeyb ka ahaanayaan qaban qaabada shirka iyo ka qaybgalkiisaba,  hase yeeshee si badheedha  wuxuu shaaca uga qaaday  in aanay  Somaliland ka  qeybgelayn   oo aanay qayb  ka ahayn shirkaa  iyo hawsha la xidhiidha toona.

Dr. Mahiga ayaa sheegay inuu aad u saluugsan yahay wakhtiga yar ee ka hadhsan xilliga qabashada shirka, wuxuu sheegay inuu dhowaan Muqdisho u safri doono, taas oo sida uu sheegay ujeedadiisa safarku tahay  inuu lasoo kulmo guddiyada qaban qaabada shirkaa.

Mahiga wuxuu sheegay inuu rajeynayo in la wadi karo doorashooyinka si loo helo dowlad mid ah, inkastoo ay hawshaasi adagtahay ayuu yidhi haddana wuxuu intaa raaciyay inaanay ahayn wax aan suurtoobeyn.
Shiran ayaa la saadaalinayaa  inay adagtahay inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho oo ay ku hirdamayaan dawladda taagta daran ee ay taageeraan ciidamada AMISOM iyo kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta. Sidoo kalena waxa la saadaalinayaa in aanu waxba soo kordhinayn xataa haddii ay suurta gasho in shirkaasi ku qabsoomo Muqdsiho.
Hase yeeshee shiran oo ka dhashay  Kulankaa golaha amaanku Nairobi kula yeesheen dhamaadkii bishan kooxaha ku kala qaybsan siyaasada Somalia ayaa la saadaalinayaa inuu yahay rajadii ugu danbaysay ee beesha caalmku xal ugu raadinay qalalaasaha labaatankii sannadood ee u danbeeyay ka jiray halkaa oo ay waqtigan u dhow yihiin in faraha laga qaado arrimaha somalia.
Iyadoo kulankaa golaha amaanka wefdi ka socda Somaliland  oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha debedu  si gaara ula kulmeen Golaha amaanka, taas oo muujisay  fursad aan hore usoo marin Somaliland oo ay ku hor fadhiistaan  markii ugu horaysay   golaha amaanka, isla markaana waxa   la filayaa inuu golaha amaanku kasoo saaro marka uu dhegeysto warbixinahaa.   ka dib qaraar khuseeya arrimaha Soomaalida, iyadoo uu ilaa hada caqabad ku yahay Somaliland  qaraarkii uu golaha amaanka la hor dhigay April 24, 1992, ee tirsigiisu ahaa 751, 733 (1992)  iyo 746  (1992), kaas   oo Xoghayihii Guud ee waqtiga  Boutros Boutros Ghali, kaas oo golaha amaanku ansixiyay, isla markaana carqalad ku noqday qaranimada Somaliland ee labaatan jirsatay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *