Hargeysa(ANN)Guddi Madaxweynuha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  hore  ugu  saaray inay soo dersaan, isla markaana rayi ururin ku sameeyeen furashada Ururada Siyaasada ayaa sheegay xiliga ay Madaxweynaha u gudbinayaan natiijada tallooyinka iyo rayiga ay bulshadu

ka qabto furashada Ururada siyaasada ee  ay  soo ururiyeen.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday Guddoomiye Ku Xigeenka Guddidaa loo xil  saaray ka soo tallo bixinta furashada ururada siyasada Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo  sheegay  inay rajaynayaan inay macluumaadkii ay soo ururiyeen u gudbiyaan Madaxweynaha todobaadka fooda inagu soo haya.
Guddoomiye Ku Xigeenka oo ka hadlayay arrintaa wuxuu  yidhi,  “Guddidii Madaxweynuhu u saaray ka tallo-bixinta ururadasiyaasada waa laga war sugayay, waxaana ka warqabteen oo isugu keen danbaysay markii Madaxweynuhu naga codsaday in 18-ka may, maadaama ay ahayd 20 guurada ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland ee la soo noqoshadii madaxbannaanideeda in munaasibadaas awgeed inaanu yara hakino, sii fiicana way u qabsoontay oo qurbojooga iyo dadka guduhuba midnimo weyn bay muujiyeen si fiicana way uga qaybgaleen, waana wax Ilaahay loogu mahad naqo.”
“Waxaan doonayaa inaan saxaafadda u sheego in hawsha la soo gebogebayn doono sida ugu dhakhsaha badan oo aan rajaynayo inaanay nala dhaafi doonin ugu danbayn todobaadka soo socda, waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu halkaa ka soo bixi doono go’aan u heerseedi doona ummadda Somaliland horumar iyo in lagu wada qanco islamarkaana ay gudidu u gudbin doonaan madaxweynaha,”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Ducaale.
Waxa kale oo uu Guddoomiye Ku Xigeenku shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba uga mahad celiyay sidii wadaniyada lahayd ee ay ugu soo baxeen dabaal degii sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.
Gudidan oo hawshaa Madaxweynuhu  ugu xil saaray ayaa hore u qorsheeyay inay badhtamihii May u gudbiyaan natiijada wixii kasoo baxay rayi ururintii ay sameeyeen ee qaybaha kala duwan ee bulshada. Laakiin madaxweynaha ayaa xiligaa ka codsaday inay u dhigaan ilaa inta ay dhamaanay bisha May oo si weyn loogu diyaar garoobayay in dalka gudihiisa iyo debediisaba laga xuso labaatan guuradii kasoo wareegtay markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay go,aankii ay Somaliland dib ugula soo nqotay madaxbanaanideedii iyo xoriyadeedii luntay midawgii Somalia ee 1960-kii.
Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *