Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in loo baahan yahay in tallo qaran laga yeesho hab socodka siyaasada dibada Somaliland, waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in shirarka dibada ee xukuumaddu ka qeyb galayso

 

la isla eego ajandaha lagaga hadlayo. Ka hor inta aan la tegin.
Guddoomiyiha Ucid Eng. Faysal Cali waraabe wuxuu sidaa ka sheegay. Kadib markii uu  maanta soo  gaadhay magaalada Hargeysa, isagoo  ka soo kicitimay Magaalada Berbera oo uu xalay u hoyday ka dib markii uu ku soo guryo noqday dalka waxaanu muddo socdaal shakhsi ah ugu maqnaa dalka Finland.
Guddoomiyaha oo qaar ka mid ah taageereyaasha xisbiga Ucid  kula hadlay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa  ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay mid yihiin, siyaasada dibada, furashada siyaasada iyo qodobo kale.
Faysal Cali waraabe waxa uu xukuumada ku bogaadiyay lacagtii giimbaarta ahayd ee ay dhawaan ka bedeshay gobolka Togdheer, waxaanu tilmaamay inuu arrintaasi aad u soo dhawaynayo.
Guddoomiyuhu waxa uu ku baaqay in si siman loo qeybsado xilalka waaweyn ee dalka waxaanu yidhi “Afrika dhibaatadeedu waxay ka dhalataa dhaqaalaha dalka oo aan si siman loo qeybin, waa in dadka xilka hayaa uma hayaan beeshooda oo kaliya ee reer Somaliland oo dhan ayay u hayaan ee waa inay si xaq ah ugu qeybiyaan dalka. Qeylo ayaa ka soo yeedhaysa dalka la leeyahay shaqooyinkii looma sinna oo qabyaaladii geeso ayay yeelatay waa in geesaha laga jaraa qabyaalada. Walaal gobolada cabanaya ee ay ka mid yihiin Laascaanood iyo Awdal waxa weeye in awooda dalka qeybtooda la siiyo in la isku koobo ma aha oo qolo qudhi qaato.”
“Awooda sare ee ah madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka iyo Guurtida iyo Maxkamadaha si siman ayaa loo qeybsan jiray waxa weeye wixii ay Soomaaliya ku burburtay, ma fiicna inaynu marno waddii aynu ka dagaalanay oo kale ee cadaalad darrada ah,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qaran ahaan laga wada tashado siyaasada dibada isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Siyaasada dibada ee Somaliland waxay u baahan tahay in laga wada tashado. Marka shir la tagayo waxa ina xukuma ajandaha shirka lagaga hadlayo ee ma aha in la yidhaahdo hebel lamaan kulmin iyo hebel lamaan fadhiisan ee waa in mowduuca shirka lagaga hadlayo aynu eegnaa oo haddii uu wax inoo tarayo aynu eegnaa haddii kalena ka joognaa.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu si adag uga soo horjeedsaday fikrada la xidhiidha furashada ururada siyaasada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Ururadan la leeyahay ha la furo waxaan u aragnaa inay dhibaato keenayaan oo ay jees jees inaga dhigi doonaan oo dhulka iyo cirkaba la kala sheegan doono. Sadex xisbi ayaa dalka ka jira anaga axsaabtu nooma afduubna laakiin xisbigu wuxuu u baahan yahay in tacab la gashado oo la dhiso oo laga shaqeeyo laakiin baarashuud ayaan ku soo dagayaa in la yidhaahdo ma soconayso.waxaan leeyahay dadka ururada doonaya axsaabta gala oo tacabka aanu gelinay oo kale geliya,”ayuu yidhi Md. Faysal Cali.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay xisbi ahaan kala saari doonaan murashaxa xisbiga iyo Guddoomiyaha waxaanu dadka hanka siyaasadeed leh ugu baaqay inay ku soo biiraan xisbigiisa oo ay tacab gashadaan.
“Saxaafaddu beryahan waxay qortaa UCID way is haysataa malaa waxaad ka heshaan waxa is haysta UCID walaalayaal isma haysato xisbigayagu isma qabsanayo, waa dimuqraadi waa lala doodayaa Guddoomiyaha ee ILAAHAY ha naga hayo khilaaf,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Gudoomiyaha Ucid  waxa Tuulada Haleeya ee dhinaca Duleedka Bari ee Magaaladda Hargeysa kaga hortagay Guddoomiyaha golaha wakiiladda, Afhayeenka Xisbiga UCID, Guddoomiye ku xigeenka ahna, ku simaha guddoomiyaha ee xisbiga UDUB, Wasiiradii hore ee Duulista, Beeraha, Wasiir ku xigeenkii hore ee ganacsiga  iyo taageerayaasha xisbiga UCID, kuwaas oo uu qudbad kooban ugu  jeediyay xafiiskiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *