Hargeysa(ANN)Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay Somaliland ka fulinayso sanadka cusub mashaariic gaadhaysa sagaashameeyo oo dhinacyada adeegyada aasaasiga ee bulshada, horumarka dhinaca  iyo wax soosaarka Beeraha isugu jira. Sidaana waxa maanta saxaafada u sheegay

 

xidhiidhiyaha Hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mark Bowden, isla markaana ah isuduwaha  deeqaha aadaminimo oo socdaal gaaban ku yimi maanta magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Mark Bowden iyo wefti uu hoggaaminayay  ayaa kulan albaabada loo xidhay kula yeeshay xarunta qasrga madaxtooyadda ku simaha Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ah Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Mark Bowden oo kulankaa ka dib saxaafada u waramay  ayaa sheegay inay Madaxweyne Ku xigeenka ka wada hadleen wax ka qabashada Abaaraha  iyo masiibooyinka  waxaanu isagoo ka hadlaya kulankaa  yidhi “Waxaan kulan la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka qorshaqynta, Madaxtooyadda iyo qaar kale oo ka tirsan wakiilada wasiirada xukuumadda iyo qaybo ka mid ah guddida Abaaraha , waxaanu isla falan qaynay sidii looga jawaabi lahaa Abaaraha hadda jira iyo qorshaha sannadka soo socda in Qaramada Midoobay ay taageerto guddida Abaaraha Qaranka Somaliland .”
Sarkaalkaa ka socday qaramada midoobay  Mark Bowden ayaa xusay  inay Somaliland ka taageerayaan sidii loo samay lahaa xarun digniino ka bixisa masiibooyinka, isagoo yidhi,  “Si masiibooyinka iyo arrimaha khatarta ah loo maamulo sannadaha soo socda.waxaanu rajaynaynaa in ay bilaabmaan bisha January ee sanadka dambe, qorshe Somaliland u ogolaanaya inay yeelato goob ka hor tagta oo digniino ka bixisa oo maamusha abaaraha ka dhaca Somaliland jawaabna ka bixisa.”


“Sidoo kalena waxa ay noqon doontaa mid diirada saarta,  ama koox balaadhisa sanadada soo socda, taasina ay tahay waxa isku kaaya xidhaya barnaamijyada aanu bilaabayno badhtamaha bisha December,”ayuu yidhi Mr. Bowden.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya mashaariic ay Somaliland ka fulinayaan sannadka fooda inagu soo haya yidhi, “Waxaana jiri doona 93 Mashruuc oo Somaliland laga hirgalinayo kaas oo si adag diirada u saaraya Beeraha iyo dhinaca horumarinta hab nololeedka dadka,”ayuu yidhi Iskuduwaha aadaminimo iyo xidhiidhiyaha Hay’addaha  qaramada midoobay.  Sidoo kale waxa uu sheegay inuu deeqbixiyeyaasha kala hadli doono maal gelinta mashaariicda mudada dheer ee Somaliland  isagoo yidhi,  “Marka aan ku noqdo Nairobi waxaan filayaa inaan la kulmi doono oo aan kala hadli doono deeqbixiyeyaasha muhiimada taageerada waxqabadyada wakhtiga dheer ee Somaliland, taas oo ku taxaluqda heerka dhaqaalaha xoolo dhaqatada iyo in la siiyo daryeel dadka ka soo barakacay Abaaraha iyo in Abaaraha ku sii kordhaya Somaliland wax laga qabto todobanka sanadood ee soo socda”.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *