Hargeysa(ANN)Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay miisaaniyad sanadeedka qaranka sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka ay gaadh siin doonaan Illaa Sideetan Milyan oo Dollar, halka ay markii hore ahayd Kon Malyan. Eng. Xaashi ayaa

 

dhinaca kale ugu baaqay gudida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland ay ka bilaabaan hawshooda wasaaraddiisa Maaliyada, maadaama ay iyadu tahay meesha musuqmaasu ka dhaco.
Wasiirka Maaliyada Somaliland  wuxuu sidaa ka sheegay maanta tababar Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa loogu soo gabo-gabeeyay 50 Suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka oo ay fulintiisa wada jir iskaga kaashadeen Komishanka Maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa iyo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kaasi oo sadexdii maalmood ee uu socday lagaga falan-qeeyay kaalinta warbaahintu ka qaadan karto maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Wasiirka Maaliyaddu wuxuu ku booriyay Komishanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa inay hawshooda shaqo ka bilaabaan wasaaradiisa, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi , “Hay’addda maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa waxaan leeyahay malaa halkii aad ka bilaabi lahaydeen la dagaalanka Musuqmaasuqu waa wasaaradda Maaliyadda.
Waxaan leeyahay way naga habsaameen, baahi weyn ayaanu u qabnaa dagaalanka musuqmaasuquna wuxuu leeyahay meelo laga bilaabo oo ah meelaha adduunku (kharashku) yaalo.”
“Waxaan idin leeyahay noo kaalaya oo aan isla eegno halka ay wax ka xun yihiin, waxa la idiinka baahan yahay Hay’ad  ahaan inaad daba socotaan dawladda halka ugu sareysa illaa halka u hooseysa,”ayuu yidhi Wasiirku.
Eng. Maxamed Xaashi  oo ka hadlayay  Hantidhawrka Qaranka, waxa uu sheegay  inay sameeyeen baadhis baddan, balse aanay ilaa hada u keenin natiijada kasoo baxday warbixintaa, isagoo yidhi, “Hantidhawrka Qaranku waxay baadheen sideed Hay’addood welina wax warbixin ah nooma soo gudbin.”
Wuxuuna mar uu ka hadlayay mushkilada musuqmaasuqa  ku dooday inuu musuqmaasuqu midabo badan  oo lagu difaaco leeyahay  oo aan lala dagaalami Karin haddii aan shaqaalaha iyo ciidammadda qaranka la siinin mushahar ay ku noolaan karaan iyaga iyo xaasaskoodu, isla markaana aan dadka  loo dirayo inay dhaqaallaha soo ururiyaan  haddii aanay haysan mushahar noloshooda ku filan inay suurta gelinay inay musuqmaasuq sameeyaan.
“Markii aanu shaqaalihii iyo ciidamaddii 100% u kordhinay ee aanu siinay bilihii ka maqnaana, waxa jaraa’idka qaarkood qoreen tallow halkee ayaa laga keenayaa?, waxay ka dhigeen oo dadkii u tuseen inaanu wax beena sheegayno,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyddu, waxaanu intaasi raaciyay “Dalkeenu wuu dihin yahay, dal dihinna waa in shaqooyin laga abuuraa markaa mushahar kordhintii aanu ku dhawaaqnay waanu ku guulaysanay hirgelintoodiisa.”
Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay inay kordhin doonaan miisaaniyad sanneedka dawladda ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2012-ka “Waxaan idiin sheegaynaa sannadkani marka uu dhammaado in Miisaaniyaddu noqon doonto illaa 80 Malyan oo Dollar halkii ay markii hore ka ahayd 50 malyan. Markaa nimankii saadaasha xun wadayoow sidaasi ku abshira,”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Wasiirku wuxuu sheegay inay sanadkan sii galbanaya ay mushahar u qoreen 1500 oo macalin oo aan mushahar qaadan jirin, waxaanu balan qaaday inay sanadkan fooda inagu soo hayana ay mushahar u qori doonaan laba kun macalin oo kale.
Wasiirka maaliyaddu wuxuu soo dhaweeyay tababarkaa oo  ay iska kaashadeen komishanka maamul wanaaga iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaanu ku tilmaamay mid ka mid ah wacyigelinta loo baahan yahay.
Maxamed Xaashi waxa uu saxaafadda u soo jeediyay inay baadhaan xaqiiqda wararka ay qorayaan,  isla markaana ummadda ku tacliimiyaan wadaniyada iyo bixinta cashuuraha ku waajibay hantidooda.


Guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaagga iyo ladagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar oo ka hadlay  xidhitaankii tababarkaa  ayaa  sheegay inuu  tababarkani  qeyb ka yahay iskaashi balaadhan oo komishankaasi uu la yeelan doono saxaafada kala duwan ee Somaliland.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tababarkan ay uga dan lahaayeen inay saxaafadu ku baraarugto sidii ay kaalin uga qaadan lahayd toosinta nidaamka dawladnimo iyo maamul wanaaga Somaliland doonayso inay hirgeliso. Axmed Muxumed Madar waxa uu u soo jeediyay suxufiyiintii tababarkaasi ka qeyb galay in ay ku camal falaan macluumaadkii ay ka heleen tababarkan sadexda cisho u socday.

Sidoo kale Suxufiga Qoraalada ugu baddan ee dhinaca  waxyaabaha madadaalooyinka qorayay intii saxaafada Somaliland jirtay Maxamed Maxamuud Kastan (MM. Kastan), isla markaana ka mid ah suxufiiyiinta tiirarka u taagay saxaafada Somaliland   oo ka hadlay xidhitaankii  kulanankaa  ayaa usoo jeediyay suxufiyiinta inay ogaadaan masuuliyada weyn ee ay u hayaan bulshada iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarka dalka, isla markaana ay si daacad ah u gutaan hawsha culus ee ay masuuliyadeeda dhabarka u riteen oo ka fogaadaan musuqmaasuqa.
waxa  kaloo halkaa  ka hadlay oo dar daaran dheer u jeediyay Suxufiyiinta Xoghayaha guud ee ururka SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed Faarax, Macalinkii tababarka bixinayay Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle), iyo Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) oo ah suxufiyiinta waaweyn ee seeska u dhigay mihnada saxaafada Somaliland. Aamina Muuse Weheliye oo ah suxufiyad hore uga hawlgeli jirtay Idaacada laanta Soomaaliga ee BBC-da oo hadal kooban ka jeedisay xidhitaankii tababrkaa ayaa iyaduna usoo jeedisay suxufiyiinta inay hagaajiyaan shaqadooda, isla markaana ka dheeraadaan waxyaabaha abuuraya fidnada ee qaar badan oo warbaahinta Soomaalida ahi u adeegsadaan dhacdooyinka wararka oo lala xidhiidhiyo beelo,  iyadoo koox samaysay waxa dhacay, taas oo ay sheegtay inay horseedi karto marka ay saxaafadu sidaa u adeegsato inay ka dhashaan aargoosi iyo wax la mid ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *