Berbera(ANN)Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada kaga jira xisbiga, garabka haweenka iyo masuulliyiin xisbiga ka tirsan, ayaa maanta safar ugu kicitimay magaalada Berbera ee xarunta

 

Gobolka Saaxil.
Wefiga oo saaka ka jarmaaday magaalada Hargeysa waxay khudbado u jeediyeen boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga oo calleemo qoyan iyo calamada KULMIYE ku soo dhaweeyay magaalooyinka  Laasgeel iyo Mandheera.

Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Axcmed Muuse oo ka hadlay madasha loo sammeeyay soo dhawaynta weftiga KULMIYE, ayaa sheegay in markii ugu danbaysay ee Guddoomiyaha KULMIYE uu tago Dacarbudhuq ay ahayd xilligii ololaha doorashada madaxtooyadda oo uu markaa Guddoomiye ka ahaa xisbiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).

Chief-caaqil Axmed Caaqil yare oo ka mid ah cuqaasha Gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan weftiga uu horkacayo Muuse Biixi Cabdi
“magaaladu waa magaaladadadii, waa taad u soo halgantay, waa iIlaahay mahadii inagoo xor ah, adigoo xisbiga xukuumadda Guddoomiye ka ah inaynu halkan isugu nimaadno. Xisbiga xukuummiga ah waxaannu ka codsanaynaa inay si  hoose u eegaan Degmadan oo Laageel oo baahi badan ka jirto inaad tallo qaran ka bixisyo.” Sidaa waxa yidhi Axmed Caaqil yare.
Sidoo kale, qaar ka mid ah odayaasha degmada Laasgeel, ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Xisbigu inuu wax kala qabto dhibaato caafimaad daro oo dadka deegaanka ka muujiyeen inay kala kulmeen wershedaha hargaha ee Laasgeel.

Guddoomiyaha KULMIYE oo la hadlayay dadweynaha reer Dacarbudhuq, ayaa uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga KUMIYE oo ay igu weheliyaan hoggaankii xisbiga ee Guddiga fulinta, mudanayaasha baarlammaanka xisbiga, garabka haweenka iyo masuulliyiin kale, waxaan aad iyi aad idiinka mahadnaqayaa niyad-samida iyo shucuurta aad nagu soo dhawayseen.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu hoosta ka xaqriiqay muhiimmada Degmada Laasgeel u leedahay Somaliland, waxaannu yidhi, “Degmada Laasgeel muhiimad u gaara bay ka leedahay gobollada Somaliland oo dhan, waa meesha qudha ee adduunka oo dhami ka yaqaano ee soo eegayo aataarta aan qiimaha innoogu fadhiyin ee Laasgeel.”

Guddoomiye Muuse  Biixi waxa uu intaa raaciyay, “Waxa kale oo gaar ahaan aan doonayaa inaan anigu halkan uga duceeyo maanta haday nooshahayna aan uga mahad naqi lahaa Sahra Cali Gaydh oo maqaaxi dergad ah oo ku taalay laamiga hareertiisa ku haysatay Ilaahay naxariistii janno ka ha waraabiyee, gabadhaasi waayaha qaarkood way noogu suntanayd Dacarbudhuq, saacad kasta oo aanu nimaadno Sahra waxay na siin jirtay Caano, laxoox amma neef adhiya ayay  noo qali jirtay, adduun namay weydiin jirin, waanay nagu leedahay xaqeedii. Dacarbudhuq hableheeda taariikdaa leh, odayaasheedana maxaad u malaynay?.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabaya cabasho Oday dhaqammeedku kaga cawdeen wershadaha hoodhinta hargaha oo ay sheegeen inay dhibaatooyin caafimaad daro ka dhaxleen, waxa uu yidhi. “Arrinta wershashada ee cabashada laga muujiyay horta waxa ku shaqo leh waraadaha caafimaadka, deegaanka iyo qorshaynta, arrintani maaha cabasho, laakiin waa mid halis ah, mar haday caafimaadkii saamaysayna waannu ka hawlgelaynaa  ee ku bushaaraysta.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxay u gudbeen magaalada Mandheera ee Gobolka Saaxil, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Guddoomiyaha Degmada Mandheera, iyo dadweynaha degmada, waxaannu Guddoomiyuhu xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga KULMIYE ka furtay Mandheera.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxay u baqoolleen dhinaca magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, iyadoo ay  Tuullada Dari-godle kaga hor yimaadeen masuulliyiin ka tirsan xisbigaa, laakiin  xilal kala duwan ka haya Gobolka Saaxil, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera,Maareeyaha Haamaha oo hore u ahaa Guddoomiyihii KULMIYE ee Saaxil, Xoghayaha Dawladda Hoose, Badhasaab ku-xigeenka Gobolka, boqollaal ka mid ah dadweynaha reer Berbera iyo gaadiid tiro badan oo taxnaa kadinka laga galo Berbera illaa laga gaadhayo gudaha magaalada.

Weftiga KULMIYE iyo boqollaal gaadiid ah oo ay ka babanayaan calanka KULMIYE waxay dhexmareen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Berbera. Guddoomiyaha KUMIYE  oo markaa ka dib war kooban saxaafadda siiyay ayaa  sheegay in safarkoodu salka ku hayo mid ay ugu diyaargaroobayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee la filayo inay horaanta sanadka 2012 ka dhacaan dalka iyo dib u habayn ay ku sammayn doonaan xafiisyada xisbiga iyo hawlwadeennadiisa gobollada,

Wuxuuna isagoo gudoomiyuhu ka hadlaya arrimahaa  yidhi, “Waxaann ka mahadcelinayaa sida wacan ee Gobolka Saaxil noo soo dhaweeyeen, laga soo bilaabo xadka Saaxil illaa intaanu Berbera ka soo gaadhaynay, habeen danbe waxaynu ka wada hadli doonaa fagaaraha Khayriyadda. Si kooban haddaan uga hadlo safarkayagu wuxuu yahay kormeer aanu gobollada ku marayno iyo isu diyaarin doorashada soo socota iyo inaanu is xogwaraysano.” Ayuu si kooban u yidhi Guddoomiye Muuse oo farxad kala kulmay soo dhawayntii ugu ballaadhnayd ee loo sameeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *