Russian election protestsMoscow(ANN) Muran  iyo khilaaf ayaa hadheeyay natiijada doorashada dalka Russia. Kadib markii lagu dhawaaqay inuu codadka ugu baddan ee tartanka  doorashada Madaxtooyada uu ku guulyastay Vladimir Putin oo waqtigan ahaa Raysal wasaaraha dalka, isla markaana mudo ka baddan toban sanadood

 

ahaa Madaxweynaha Ruushka.
Dad lagu qiyaasay labaatan kun ayaa isugu soo baxay fagaaraha caasimada Moscow,(iconic Pushkin Square),  kuwaas oo ka cadhooday natiijada guusha 63% ee  loogu dhawaaqay  Raysal wasaarihii hore Mr. Putin.  Booliska ayaa ugu baaqay dadkaa inay ka dareeraan, balse waxa ku gacan saydhay  hogaamiyayaasha  mucaaridka, waxayna Boolisku xabsiyada dhigeen qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaridka ee taageerayaashoodu isugu soo baxeen maantaa halkaa.  Iyagoo ku dhawaaqayay ha dego Putin.
Grigory Yavlinsky oo ah hogaamiyayaasha mucaaridka ayaa sheegay inay gebi ahaanba doorashadu ahayd  mid kaanbaykeeda si khiyaamo ah loo isticmaalay, isla markaana cod bixintii loo maamulay  si khaldan . sidaa awgeed aan lagu qanci karin. Mucaaridku waxay ku doodayaan in hore loo sii qorsheeyay guusha Putin mar kale kusoo laabtay xukunka. Eduard Limonov, oo ah hogaamiyaha xisbiga  (National Bolshevik Party), ayaa isna xabsiga loo taxaabay, iyagoo doonayay inay taaageerayaashoodu isugu soo baxaan fagaaraha Lubyanka Square  ee u dhow xarunta guud ee gudida doorashooyinka Ruushka, iyadoo goobtaa lagu diyaariyay  oo ay ka warheleen sirdoonka Rashia ee  KGB, kuwaas oo xabsiga u taxaabay in ka baddan boqol qof oo ka mid ah mudaharaadayaasha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *