New York(Araweelo News Network)Warbixin ay shaacisay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay Tirada Ciidamada AMISOM ee lagu dilay Somalia tan iyo

 

sanadkii 2007 markii ay Ciidamo ka socda Dalal Afrikaan ah gaadheen Somalia.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u tegey Somalia ay waajaheen xaalad adag iyo dagaal ay kula jiraan kooxda Xarakada Al-shabaab. Sarkaalkaa ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2007 laga dilay Ciidamada  AMISOM tiro gaadhay 3, 000 “Saddex Kun” oo askari oo ka tirsan Ciidamada Afrikaanta ah ee Soomaaliya u tegey hawlgalada Nabad Ilaalinta, kuwaas oo la kulmay xili ay Ciidamada Ethiopia la tacaalayeen dagaal adag oo ay kula jireen Malayshiyada Al-shabaab.

Mr. Jan Eliasson  oo ah  kuxigeenka Xoghayaha  Qaramada  Midoobay Ban Ki Muun ayaa Warbaahinta u sheegay in tahay wax laga tirada Ciidamada Afrikaanta ah lagaga dilay Soomaaliya, wuxuuna  tacsi tiiraanya leh u diray wadamadii iyo qoysaskii ay askarta ku dhimatay hawlgalka Nabad Ilalinta Somalia ka socday dhawrkii sanadood ee lasoo dhaafay.   “ Waxaa laga yaabaa inaad argagaxdaan haddii aan idiin sheego  in Ciidamo gaadhaya 3, 000 (Sadex Kun) oo askari AMISOM lagaga dilay Soomaaliya tan iyo markii ay halkaas tageen sanadkii 2007.”

Sarkaalka ayaa sheegay in dhibaatada Askarta lagu dilay Somalia ay wadamada ay ciidamadu ka socdaan u kala daran yihiin, isagoo yidhi, “Yugaandha iyo Burundi ayaa ugu daran oo dhibaatada ugu weyn ay soo gaadhtay, sidoo kale Kenya oo ay Ciidamo badan kaga jiraan Amisom ayaa iyadana qaybteeda dhibaatadu soo gaadhay”  ayuu yidhi ku xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay  Ban Ki Muun.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee UN Jan Eliasson, waxa uu sheegay in marka la bar bar dhigo tirada askarta AMISOM  ee ku dhimatay Soomaaliya tan iyo 2007, waxay ku dhow yihiin kuwa Qaramada Midoobay ee tan iyo 1948kii howlgalo ku dhintay, kuwaas oo gaadhaya 3,096.

Hase yeeshee wuxuu xusay Ciidamada AU ee Soomaaliya jooga qayb libaax ka qaateen xoogagga al-Shabaab oo laga saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo waliba magaalooyin kale oo waaweyn labadii  sano ee la soo dhaafay, laakin wuxuu  sheegay in aanay taa macneheedu ahayn in Al-shabaab laga adkaaday, balse sida uu sheegay xarakada Al- Shabaab ay wali awood u leeyihiin in ay weeraro isugu jira is-qarxin iyo weeraro kaleba ku qaadaan goobo ka mid ah caasimadda iyo meelo kale oo dalka Soomaaliya ah.

Sidoo kale Mr. Jan Eliasson  warbaahinta  la hadlay isagoo ka qaybgalay  shirkii Somalia loogu yaboohay deeqda iyo taakulada dawlada Somalia ee ka dhacay London ayaa ka codsaday wadamada Caalamka ee ku yaboohay in ay Lacago qaadhaan ah usoo ururinayaan Dowlada Xassan Sheekh in ay qayb ka mid ah lacagtaa  siiyaan Ciidamada Afrikaanka ah ee ay Musiibadu kula habsatay, kuwaas oo uu sheegay inay  dagaalka adag kula jiraan argagixisada  Soomaaliya.

Dhamaadkii sanadkii hore  waxa jirtay in Diblomaasi sare oo ka tirsan Dowlada Kenya uu sheegay in Ciidamada Afrikaanka ah  ee dalalka Yugaandha iyo Burundi oo kaliya Soomaaliya lagaga dilay 2,700 oo askari, balse dhawaaqaa ayaa ka cadhaysiiyay Dawlada Yugaandha oo xiligaa sheegtay in 700 askari keliya ay kaga dhinteen hawlgalka ay ciidamadoodu ka wadaan Somalia.

Dhinaca kale warbixinta qaramada Midoobay ee shaacisay askarta Ciidamada AMISOM lagaga dilay hawlgalka Somalia tan iyo 2007, ayaa abuurtay dareen dublamaasiyadeed, taas oo keentay in Wadamada Yugaandha, Burundi iyo Kenya ka cadhoodaan in ay Qaramada Midoobay shaaciso warbixin la xidhiidha khasaaraha Ciidamadooda kasoo gaadhay hawlgalka nabad ilaalinta ee ay Somalia ka wadaan.

Somalia waxa dhowaan la geeyay Ciidamo ka socda Wadamada Djibouti iyo Siralyoon, kuwaas oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM, waxayna  Kooxda Al-shabaab  dhinaceeda sheegtay in sanadkii 2011, ay dileen askartii ugu badnayd eek a tirsan Ciidamadaa oo ay goob ku wada dilaan, kuwaas oo ay tiradooda ku sheegeen 150 Askari. Laakiin Afhayeen u hadlay waqtigaa AMISOM ayaa beeniyay sheegashada Al-shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *