Caynaba(Arraweelo News)Kadib markii dhowaan koox dablay ahi ay weerartay xabsiga Magaalada Caynaba, taas oo sababtay inuu falka weerarkaa

ku dhinto Taliyihii sirdoonka gobolka Saraar Marxuum Axmed Caydiid, iyadoo  dhaawac soo gaadhayTaliye ku xigeenkii xabsiga iyo Askar Boolis ah.
Dhacdadaa  ayaa sababtay in magaalada Caynaba laga hayaamo oo gebi ahaanba la xidho goobihii ganacisiga iyo qaarka mid ah xarumaha Hay’addaha dawladda.

Wasiirka Arrimaha Guduha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur  ayaa weerarka lagu qaaday xabsiga Caynaba oo ay baxsadeen kooxdii falkaa fulisay, wuxuu Magaalada  ku dalbaday Ciidanka RRU ee la dagaalanka argagixisada, kuwaas oo qabqabtay dad aan waxba galabsan oo aan ahayn kuwii falka lagu weeraray xabsiga fuliyay,  balse  wasiirku ku tilmaamay waqtigaa  inay yihiin dadkii falka geystay oo ay gacanta ku dhigeen.
Hase yeeshee dadkaa oo ahaa kuwo isugu jira Odayaal, Cuqaal iyo  ganacsatadii ugu waaweyneyd magaalada ayaa loo qaaday dhinaca Xabsiyada  Mandheera iyo xabsiga weyn ee Hargeysa, kuwaas oo qaarkood xaaladooda caafimaad liidato. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladoodu.

Xaalada ka taagan Magaalada Caynaba ayaa sababtay inay magaaladu noqoto meel  bandow, iyadoo aanu jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi iyo xarakaad, isla markaana xiliggan oo uu dalka ka socdo diyaar garaw weyn oo loogu jiro Xuska Munaasibada 18 May aan laga hadal hayn sida uu sheegay Maayarka Caynaba oo wata Ilaalo xoogan, taas oo ay sababtay xaalada ka taagan deegaanka  oo aanay weli xukuumaddu wax xal ah u helin.

Dhinaca  kale xaalada iyo duruufaha cabsida laga qabo in ay arrintaasi deegaanka u horseedo  colaad ayaa sababtay ayaa saamayn  ku yeeshay gaadiidka Jaadka iyo kuwa kale ee sida badeecadaha oo si weyn u camari jiray Magalada Caynaba.

Sida uu ku sheegay warbixintaa Weriye Saleebaan Cilmi Siciid  oo ku sugan Caynaba magaalada ayaa isu bedeshay  cidla, isla markaana dadku ku yaryahay, iyadoo  guud ahaanba inta badan goobihii ganacsigu ay xidhan yihiin. Sidoo kale waxa uu xusay in xafiiskii dowladda Hoose ka mid yahay  goobaha xidhan. Kadib markii cabsi la xidhiidha xaalada ka taagan deegaanku soo waajahday Maayarka Caynaba.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *