Hargeysa(Araweelo News Network)Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Cabdullaahi  Carey), ayaa qiray in ay jiraan

 

waraaqo Madbacadda uu qaranka Masuulka uga yahay laga xaday oo loo xidhay qaar ka mid ah shaqaalaha, waraaqahaa oo  sida uu sheegay ah Xaashiyo qaan-sheegta cashuurta lagu qabto ah oo lagala baxay Madbacadda Qaranka, taas oo loo xidhay mid ka mid ah shaqaalaha madbacadda oo uu Hanti-dhawrka guud qabtay Salaasadii.

Maareeyaha Madbacadda qaranka  oo maanta  Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, isagoo daba socda fadeexadaha warbaahintu qortay ee la xidhiidha arrintaa waxa uu ku sheegay inaanu Hanti-dhawrka Qaranku wax baadhitaano ah xiligan ka wadin Madbacada, balse baadhitaanku ku ekaa Waraaqaha lagala baxay Madbacadda Qaranka oo lagu eedeeyay Sidiiq Cali Seed oo ka mid ah Shaqaalaha Madbacadda.

Maareeye  Cabdullaahi Caray oo dhacdadaa ka waramaya, waxa uu yidhi,  “Hadii aan arintii Madbacada ka dhacday ka wararamo, horta waxa baadhitaan ah oo Madbacada ka bilaamay ama ku socdaa jiro , laakiinse waxa jirtay Maalintii salaasadii ee doraad, ayay noo yimaadeen qolada Hanti-dhawrku iyagoo war daba socda, kolkaa warkii ay iyagu daba socdeen way fushadeen, dabadeedna waxay halkan madbacada ka qabteen laba Nin oo midi yahay agaasimaha waaxda Farsamada, midna yahay Ninkii hayay Mishiinka waraaqaha lambarada u sameeya oo la yidhaahdo Sidiiq Cali Seed”. Ayuu yidhi Maareeye Caray oo si cad u sheegaya in aanu arrintaa waxba kala socon ee uu ku warhelay Baadhitaanka Hantidhawrka.

Mr. Carey wuxuu isagoo ka hadlaya talaabada Hantidhawrka  iyo shaqaalaha loo xidhay arrintaa tuugada ah, waxa uu yidhi, “Laba saacadood ka dib wixii waraysi ah ee ay ka rabeen Agaasimaha Farsamada way soo daayeen , ninkii kalena ilaa hada baadhitaan ayaa ku socda, waxa ugu badan ee meesha yaalaana waxa weeye waraaqo iyo Buugaag la daabacay, markaa buugaag runtii la xaday iyo buugaag la daabacay midna ma jiraan, taa cid waliba waa ogtahay haday Wasaaradda Maaliyadda tahay iyo haday tahay Hanti-dhawrka Guud, anigana halkan waa laygu keenay oo waa ilaa afar illaa shan waraaqood.”  Ayuu  yidhi Maareeyaha Madbacadda Qaranka oo qiraya jiritaanka fadeexadda Tuugada ka dhacday Madbacaddu.

“Afar shan waraaqoodna waa la heli karaa oo inanka meesha ka shaqaynayay wuxuu joogay meesha Farsamadu ka socoto, meesha farsamadu ka socotana waa waadh, dee waadhkana lagama waayayo Maqas iyo Baandheys dhulka ku dhacay midna lagama waayayo oo waa laga helaa, markaa waxa dhici kaarta Waraaq Lambarka badh maqanyahay oo aanu saani ugu wada dhicin waa la heli karaa, waraaq kale oo dheeraad ah oo loogu tallo-galay in hadhow hadii wax dhinaadaan waa la heli karaa, qof meeshuu ka shaqaynayay xadayana lagama joojin karo, inkasta oo aanan hada ku cadaynayn oo aanan hubin wuxuu qaatay, laakiinse hadana afar waraaqood qof shaqaale ahi jeebadda wuu gashan karaa

Markaa arinta meesha ka dhacday waa intaa wargeysyadu qoreen, baadhis baanay ku jirtaa arintu, waxa la baadhayaana waa waraaqo, mid kalaa iyaduna dhici karta Ninka Shaqaalaha ah ee Meesha ka shaaqaynayay mar hadii Cabirkii Waraaqda garanayo, mIshiinkan gacanta ee lagu dhufto waraaqduna Dukaan walba waa yaalaa, markaa madbacadu doono ayuu ka samayn karaa mar hadii Farsamadii uu hayo”ayuu yidhi Maareeyaha Madbacadda Qaranka oo qiraya masuuliyadaradda Madbacadda Xaasaasiga ah ee Qaranka sida ay u dayacantahay iyo in qofka shaqaalaha ah uu qaadankaro warqaaha meesha uu doonona ka daabacan karo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *