Muqdisho(ANN)Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ka digay dib u dhac xilligan ku yimaada soo xulista Baarlamaanka cusub, iyadoo muddo todobaad keliya ahi ka hadhay xilliga Xukuumadda hada jirta ee ku meelgaadhka ah. Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon

ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan in la musuq-maasuqo soo xulista Baarlamaanka iyo in lagu soo daro hogaamiye kooxeeyadii hore, isagoo xusay in aan la aqbali doonin inay ka mid noqdaan hogaamiye kooxeedyadii baarlamaanka, ama lagu soo daro dad qaab musuq-maasuq loo soo xulay.
Mr Ban Ki-moon ayaa sheegay inay jiraan in kuraasta Baarlamaanka lagu bixinayo lacago, isla markaana ay ka cabsi qabaan in si aan cadaalad ah loo soo xulin, waxaana uu ugu baaqay odayaasha dhaqanka in dadka ay soo xulayaan ay noqdaan kuwo ku haboon una qalma, isla markaana raali laga wada yahay.
Waxaa uu rajo ka muujiyay in sida loogu tala galay ay u dhacdo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, inkastoo uu xusay in dib u dhac badan ay jiraan, hadana waxaa uu soo dhoweeyay in 20-ka August  laga baxo xilliga ku meelgaadhnimada.

 

Dhawaaqa kasoo baxay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa kusoo beegmay. Kadib markii maalmihii u danbeeyay ay  soo baxayeen inay jiraan khilaafaad ka aloosan qaabka xulista Baarlamaanka Somalia, isla markaana ay soo baxeen warar sheegaya in kuraasta xubinimada Baarlamaanka la kala iibsaday qaarkood. Sidoo kalena ay jiraan kooxo ay ka mid yihiin hogaamiye kooxeedyadii mudooyinkii hore ka talinjiray Muqdisho oo hada doonaya inay xubna ka noqdaan Baarlamaanka cusub, isla markaana maamulaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay adagtahay in mudadaa loo qabtay ku meelgaadhnimada laga gaadhsiiyo hawsha soo xulusta Baaralaanka, taas oo laga cabsi qabo inay keento dib n dhac, iyadoo ay gudida kala xulusta Liiska xubnaha Baarlamaanku ku celiyeen Odayaasha tiro ka baddan 50 xildhibaan oo ay sheegeen inay buuxinwaayeen shuruudihii. Sidoo kale wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya inay jiraan dacwado ka taagan musuq-maasuqa lagu sameeyay xulista xubnimada baarlamaanka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la kala iibsaday xubnimada meelaha qaar oo lacag $ 5,0000 ilaa 10,000 oo dolar la kala siistay, balse meelaha qaar qiimaha lacagta kuraasta Baarlamaanku intaa ka badanyahay, iyadoo tiro ku dhow dhawr iyo labaatan xildhibaan muran weyni ka taaganyahay, isla markaana ay jiraan qaar ka mid ah Odayaasha oo aan iyagu weli gudbin xubnihii laga sugayay iyo dad aan ku haboonayn lagu qoray, waxayna dhamaan arrimahaasi walaac geliyeen beesha caalamka ee danaynay dhismaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *