Buuhoodle(ANN)Koox Maleeshiyo Reer Buuhoodle ah ayaa galabta ka Afduubay  deegaanka Deegaanka Sool-joogto ee kulaalaya  Buuhoodle 5 Nin oo u dhashay deegaankaa, kuwaas oo ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee deganaa agagaarka fadhiisimida

 

Ciidamadda Qaranka Somaliland laga soo raray todobaadkan.

Kooxda malayshiyada Afduubka u kaxaystay raggaa, ayaa wararka ka imanaya deegaanku sheegayaan inay wateen gaadiid dhawr ah oo ahaa nooca gaashaaman ee loo yaqaan Tignikada, waxaya raggaa u kaxaysteen dhinaca Buuhoodle.

Ma jiraan wax war ah oo si cad sheegaya sababta ay kooxdaa malayshiyada ahi u afduubeen raggaa, iyadoo xaalad colaadeed oo mudo ka taagnayd deegaankaa la filayay in lasoo afjaro. Kadib markii ay xukuumadda Somaliland dhowaan heshiis la gashay hogaamiyihii kooxda SSC ee dagaalka ka waday halkaa iyo Odayaal deegaanka ah, kuwaas oo dalbaday in loo sii daayo malayshiyaad ka tirsanaa oo dagaalo hore lagaga qabtay, isla markaana fadhiisimo ciidanka qaranku ku lahaa dib looga soo qaaday. Kadib markii ay hogaamiyaha kooxda SSC iyo Odayaasha la socday ku doodeen in ceelashii biyaha ay ciidamada qaranku ka dhigteen fadhiisimo. Sidaana lagaga soo qaaday aagagii ay ciidamadu ka fadhiyeen oo dib loogu soo raray dhinaca Qorilugud oo aan ka fogayn Buuhoodle.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay Dablayda Afduubka samaysay raggaa la tageen magaalada Buuhoodle oo ay ku hayaan, iyagoo ku doodaya in loo sii daayo Nin lagu magcaabo Jaamac Kuutiye oo ahaa hogaamiyihii koox falal argagixiso hore uga fuliyay Somaliland oo sanadkii 2002 – 2003, balse la sanadkii  2004, lagu qabtay magaalada Doqoshey isaga iyo kooxdii uu watay. Kadib markii ay duleedka Hargeysa ee Tuulada Dhubato ka sameeyeen falal dilal iyo Afduub ay u geysteen shaqaale Ajanibi ah oo ka socday hay’adda jarmal ah oo lagu magcaabo GTZ, balse markii ay maxkamadi ku heshay falalkaa aragagixiso lagu riday xabsiga, isla markaana uu fashilmay qorshe ay koox ka tirsan Al-shabaab 2005, ku doonayaan inay xabsiga hargeysa kala baxaan Jaamac Kuutiye iyo kooxdiisa.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin arrinta Afduubka muwaadiniintaa oo ay wararka qaar sheegayaan in lagu hayo guri ku yaal Koonfurta magaalada Buuhoodle ee dhinaca Ethiopia raacsan, balse wararka qaar ayaa sheegay inuu xukuumadda Somaliland kala soo xidhiidhay arrintaa Saleebaan Xalo-toosiye oo uu sheegay in lasoo deynayo raggaa oo arrinta isaga loo daayo, isagoo la kaashanaya Odayaasha dhaqanka ee deegaanka, iyagoo ku dooday inaanay arrintaasi saamayn ku yeelanayn  dedaalka nabadeed ee laga waday deegaankaa. Sidaa awgeed iyaga laga sugo jawaab.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *