Muqdisho(ANN)Ergeyga Q.Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Augustina Mahinga, ayaa shaaca ka qaaday in todobaadka  soo socda loo magcaabayo raysal wasaare dawlada Somalia si uu usoo dhiso gole wasiiro oo qaban kara shaqada dawladlino. Mahinga wuxuu sidaa ku sheegay

 

waraysi uu maanta siiyay Idaacada BBC-da qaybteeda Af-soomaaliga.

Dhawaaqa Mahinga ayaa kusoo beegmay maalin ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in raysal wasaare loo magcaabay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hore xilkaa uga soo qabtay dawladii Sheekh Shariif, balse xafiiska Madaxweynaha Somalia, ayaa beeniyay in la magcaabay raysal wasaare. sidoo kale Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhiniciisa beeniyay in xilkaa loo magcaabay, balse uu sheegay inuu danaynayo in loo magcaabo xilkaa.

Dhinaca kale waxa jira loolan loogu jiro xilka raysal wasaaraha Somalia, iyadoo ay wararka la xidhiidha arrimahaa qaarkood sheegayaan in maamulka Puntland dedaal ugu jiro in xilkaa loo dhiibo qof kasoo jeeda deegaankooda, taas oo ay taageero lagu badhitaarayo kaga helayaan wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Augustina Mahinga iyo sidoo kale wadamada Kenya iyo Uganda oo kula taliyay Madaxweynaha cusub ee Somalia inuu xilkaa u magcaabo raysal wasaarihii hore oo weli xilka sii haya C/weli Gaas, kaas oo kasoo jeeda deegaanka Puntland, ama qof kale oo u dhashay deegaankaa.

Hase yeeshee sida ay xoggaha la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku gacansaydhay soo jeedimahaa, balse uu hada u muuqdo inuu u carab laalaadiyay inuu xilkaa u magcaabo qof kasoo jeeda Puntland, iyadoo taa bedelkeedana uu jiro kaanbayn kaga imanaya madaxweynaha Somalia dhinaca Soomaalida qurbaha, qaybo ka mid ah dublamaasiyiin iyo aqoonyahano usoo jeediyay inuu raysal wasaaraha u magcaabo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kasoo jeeda deegaanka Caabud-waaq, balse taageero balaadhan ka haysta bulshada Soomaalida ee gudaha iyo debeda, balse Qaramada Midoobay iyo wadamada sida gaarka ah siyaasada Somalia xiligan faraha kula jira ayaa si weyn u diidan in xilka raysal wasaaraha loo magcaabo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Inkasta oo loolan adagi ka taaganyahay xilka raysal wasaaraha Somalia, hadana waxa jira tibaaxo laga soo xigtay Madaxtooyada Somalia oo sheegaya in ugu danbaynta uu Madaxweynaha cusub ee Somalia jagada raysal wasaaraha u kala doorto Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo nin kale oo lagu magcaabo Zekeria oo ay isku deegaan yihiin Farmaajo, balse ka mid ah kooxda Islaax ee madaxweynaha la doortay ee Somalia kasoo jeedo, kuwaas oo awood badan ku leh baarlamaanka cusub.
si kastaba ha ahaatee magcaabista raysal wasaaraha cusub, waxa ka taagan loolan adag iyo fara gelin dawlado iyo dublamaasiyiin shisheeye, balse waxa go’aanka madaxweynaha cusub ee xilkaa iyo cida uu u magcaabaa daah fur u noqnaysaa inuu yahay madaxweyne ay ku shaqaysanayaan Mahinga iyo dawlado shisheeye oo qaata awaamiirtooda iyo inuu yahay madaxweyne xor ah oo adeegsanaya awoodiisa, isla markaana aan dheg u dhigayn kuwa doonaya inay u yeedhiyaan magcaabista xilka  raysal wasaaraha iyo sidoo kale inuu ku shaqanayo qorshaha siyaasadeed ee kooxda uu katirsanyahay ee Islaax oo uu magcaabo raysal wasaare ay isku koox yihiin, balse dhamaan arrimahaasi waxay sida dayaxa u cadaan doonaan marka la gaadho  todobaadka danbe oo la filayo in la magcaabo jagada raysal wasaaraha Somalia.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *