Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu rumaysanyahay inay Somalia tahay mid keliya oo ay weligeed ahaanayso, wuxuuna carabka ku ku adkeeyay inay beesha caalamka u cadaynayaan inay Somaliland iyo maaulka Puntland

u hayaan ixtiraam badan, balse ay u arkaan inay yihiin maamulo ka mid  ah dawlada Somalia, isagoo yidhi, “maaha in gobol walba uu sheegto goosasho been ah iyo wax aanu ahayn oo samaysto lacag iyo baasaboor foojari ah” wuxuuna sheegay inay taasi sii abuurayso inay xiisada Somalia ee hogaamiyayaasha deegaanada kasii darto.
sidaa awgeed waxa uu ku dooday in aanay Somaliland iyo Puntland joojinayn wuxuu ugu yeedhay been-beenta ay iska dhigayaan wax aanay ahayn ee ay kula xidhiidhayaan heshiisyada been-beenta ah, isla markaana   xukuumaddiisu kala xidhiidhay   qaramada midoobay, Ururka Midawga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo midawga Yurub, maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada dagaalka iyo dhamaan Ururada siyaasada ee ka wer-wersan xaalada inay noo saamaxaan inaanu xidhno dhamaan  xuduudaha siyaasada Somalia ee denbiilayaasha iyo dagaal oogayaasha si aynu daacad uga noqono denbiyada ka dhanka ah bini’aadanimada intii lagu jiray dagaalada sokooye ee Somalia. ayuu yidhi Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo todbaadkan la hadlayay wakiilo iyo dublamaasiyiin ka socda beesha caalamka oo uu ku qaabilay xafiiskiisa.

“waxaanu si cad ugu baaqaynaa hogaamiyayaasha Somaliland iyo  Puntland maamuladaasi inay aqbalaan oo u hogaansamaan dastuurka federaalka ee Somalia, sababtoo ah Somalia waxay leedahay 275 xubood oo ah baarlamaan la  dooratay oo dhamaan deegaamada ka wakiil ah. sidaa awgeed waxay taasi soo af-jartay been-beentii goosashada iyo lacagihii iyo baasabooradii fiijariga ahaa, waxayna dawlada Federaalka Somalia oo ka duulay sharciga caalamiga ah iyo dastuurka dalka ee federaalka” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay wefdiga ka socday beesha caalamka.

 

Dhawaaqa hanjabaada iyo xaqiraada ah ee kasoo baxay madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya weedho dublamaasiyadeed iyo hadalo afmacaani ah  oo uu hore ugaga  hadlay qorshihiisa siyaasadeed ee ku waajahan Somaliland oo uu sheegay inuu sii wadayo wada hadaladii beesha caalamku hormoodka u ahayd ee u socday Somaliland dawladii hore ee Somalia oo uu sheegay inuu halkii kasii wadayo, balse dhawaaqan danbe oo ahaa mid aan saxaafada loogu talo gelin ayaa si dhab ah u kashifaya qorshihiisa siyaasadeed ee u qarsoon, isagoo weedhahani ahaayeen fariin si dhab ah uu ugu dhiibayay   beesha caalamka, taas oo xaqiraad iyo meel ka dhac ah ku ah qadiyada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, isla markaana si cad u muujinay khatar kusoo fool leh Somaliland, balse aanay dareensanayn xukuumadda Somaliland marka laga reebo kooxda hanbalyada ku boobtay markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo aan weli cadayn mawqifkiisa siyaaasadeed ee ku aadan Somaliland, balse la rumaysanyahay inay ka hanbalyadoodu ahayd xidhiidho iyo dano gaara oo ka dhexeeya oo aan ka turjumayn qadiyada Somaliland.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *