-
Published On: Thu, Jun 3rd, 2010

Qaraarka Maxkamadda Ee Dacwad Lagu Oogo Cali Samatar Waa Furaha Liiska Dhagarqabayaashii Xasuuqay Shacbiga Somaliland

Smiley face
Share This
Tags

 Maxkamadda sare ee Federaalka Maraykanka ayaa dabayaaqayadii todobaadkan soo saartay qaraar ay ku xaqiijinay in Eedaysane Ex Jen, Maxamed Cali Samatar oo loo haystay jidh-dil xasuuq iyo xadgudub denbiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha oo loo geystay shacbiga Somaliland waqtigii xukuumadii Milateriga ahayd ee uu ka tirsanaa ka talinaysay Dhulkii laysku odhanjiray Somalia1988. 

 

 

 Waxayna Maxkamaddu xukuntay in Kiiska uu ku Eedaysan yahay Ex, Jen, Cali Samatar hada wixii ka danbeeya lagu taagi  karo Maxkamaddaha Dalka Maraykanka. Maadaama ay Qareenada u doodayaa markii hore ku andacoonayeen in aan lagu Maxkamadayn Karin dalka Maraykanka gudihiisa qof leh (Immunity) dhawrsanaan oo haysta magangelyo Siyaasadeed, isla markaana aanu ogolaanayan qaanuunka u yaal Dalka Maraykanka ee daryeelka Ajaanibka iyo hay’adaha shisheeye.

Doodaa oo hore Maxkamad ku taal gobolka Virginia ee dalka Maraykanku dacwada ka dhanka ah Jen, Cali  Samatar adeegasatay ayaa keentay in dacawad oogayaashu racfaan u qaataan Maxkamadda sare ee Federaalka, taas oo go’aankeeda ku soo saartay in aan sharciga Maraykanku damaanad qaadayn shaqsiyaad noocaa oo kale ah oo xasuuq iyo dhagaro u geystay shacbigooda, isla markaana Ururada xuquuqda Aadamaha oo hore u canbaareeyay go,aanka hore ee \Maxkamadda ayaa dooda sharciga noocaa ah ku tilmaamay mid wadanka Maraykanka ka dhigaya inuu hoy iyo gabood  u noqonayo shaqsiyaadka geysta xasuuqa iyo xadgudubyada ka dhanka xuquuqda Aadamaha, taas oo keentay inay racfaan u qaataan Maxkamadda sare ee Federaalka oo hada soo saartay qaraarka in la horygeyn karo Cali Samatar iyo kuwa la midka ah Maxkamad kasta oo ku taal wadanka Maraykanka.

Garyaqaan John Poul ayaa sheegay in sharciga Ilaalinta Ajaanibka iyo Daryeelka hay’adaha shisheeye aanu si toos ah u damaand qaadayn Sarkaal metelaya wadan. Sidaa awgeed aanu Mr. Samatar wax badbaado ah ka helayn sharcigaa, isagoo yidhi, “Maraykanku ma difaacyo dacwad ka dhan ah sarkaal hore oo Soomali ah”, taas oo meesha ka saartay doodii ahayd inuu Cali Samatar dacwadaa kaga badbaadayo hanaanka sharci ee (Immunity) daryeelka  iyo dhawrsanaanta dublamaasiyiinta shisheeye uu siinayo  qaanuunka Maraykanku.     

Dacwada Cali Samatar oo dhaqdhaqaaqeedu ka bilaamay cariga Maraykanka  hotaantii 2003, iyadoo ay waqtigaa Somaliland yimaadeen Koox ka socday xarunta la xisaabtanka iyo caddaalada oo kaashanaya Hawlwadeeno  ka socday  Xarunta Isbahaysiga Caddaalada iyo Xuquuqda Aadamaha xafiiskooda  Somaliand  (Somaliland Center Alliance for Justice And  Human Rights oo loo soo gaabiyo (SAJAH)  iyo shaqsiyaad kale oo ka mid ah dadka u dhaqhdhaqaaqa arrimaha xuquuqda Aadamaha, kuwaas oo doonayay inay helaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xadgudubyadii iyo tacadiyadii dhacay xiligii dawladii uu Cali Samatar ka tirsanaa, isla markaana si gaara u danaynayay in la helo  dhibanayaal kasoo jeeda qoyayskii iyo Eheladii  xadgudubyada loo geystay, si ay door uga qaataan bilawga kiiskaa.

Waxaana sannad ka dib markii uu kiiska dacwada ka dhanka ah Ex, Jen, Cali Samatar ka bilaabmay Maxkamad ku taala Gobolka Virginia soo baxay isku dayo la doonayo in lagu joojiyo oo ka imanay kooxo ku gabanayay Magac Qabiil oo la rumaysan yahay inay dacwadaha noocaa ahi saamayn ku yeelan karaan, kuwaas oo isticmaalayay sheekooyin borobagaando ah, iyagoo ku andacoonayay sababta Cali Samatar oo kasoo jeeda Beelaha laga tirada badan yahay ee Soomaalida keligii dacwada loogu oogayo. Sidoo kale wasiirkii Arrimaha Debeda ee C/llaahi Yuusuf ayaa xiligaa u qoray warqad uu ku dalbayo in lagu joojiyo dacwadaa haweenaydii Xoghayaha Arrimaha Debeda ee Maamulkii Bush,  isagoo ku doodaya Masuulkaasi inuu Mr. Samatar leeyahay  (Immunity), dhawrsanaan oo aan dacwad lagu oogi Karin inta lagala noqonayo dhawrsanaanta, ama ay imanay dawlad rasmiya oo ka dhalata Somalia, isla markaana ay dawlada TFG ee uu ka tirsan yahay tahay mid dib u heshiisiin ah oo ay talaabooyinka dacwadaha noocaa ahi wax yeeli karaan dib u heshiisiinta Bulshada Soomaalida .

Hase yeeshee Dr, Condoleezza    Rice, ayaa  jawaabteedu noqotay  in aanay masuuliyiinta Maraykanku awood u lahayn inay fara geliyaan kiis ka socda Maxkamad. Sida awgeed aanay arrintaa wax shaqo ah ku lahay.

Si kastaba ha ahaatee talaabada Maxkamada sare ee Maraykanka ayaa noqonay mid shacbiga Somaliland iyo cidkasta oo damiirkoodu diido inay geyiga ka dhacaan gaboodfalo iyo xadgudubyo ka dhana xuquuqda Aadamuhu ku farxayaan, iyadoo dhinaca kalena ka cadhaysiinay kumanaan ku nool dalka Maraykanka iyo dacalada dunida oo geystay dhibaatooyin xadgudubyo iyo tacadiyo kuwan oo kale ah.

Sidaa awgeed waxay bilawga dacwada ka dhanka ah Jen, Samatar fure u noqonaysaa boqolaal sarkaal oo ku gabanaya dalka gudihiisa iyo dunida kale, kuwaas  oo qayb ka ahaa xasuuqyadii, jidhdilkii iyo tacadiyadii loo geystay kumanaan shacabka Somaliland ah xiligii dawladii Milateriga ahayd ee Siyaad Barre, iyadoo uu ay hay’ado Caalami ah oo kuwa xuquuqda Aadamuhu diwaan geliyeen kuwii masuulka ka ahaa gabood faladaa, isla markaana  uu Jen, Cali Samatar yahay masuulka u sareeya wixii ka nool liiska la hayo ee diiwaan gashan, kaas oo lagu raja weyn yahay in sharciga la mariyo isaga iyo kooxda uu hormoodka u yahay, si ay cashar ugu noqoto in aanay shaqsiyaad iyo masuuliyiin danbe ugu kicin talaabooyin ka dhan ah xuquuqda Aadamaha, isla markaana loo dabakho Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha, qawaaniinta kale  iyo heshiisyadii Jeneva.       

Faallo By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

 

 

 

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>