Hargeysa(ANN)-Guddiga Ilaalinta iyo lasocodka hawlaha  Doorashada oo ah Gudi dhowaan loo magcaabay inay kormeeraan hawlaha Doorashada iyo tartanka Axsaabta ayaa markii u horaysay ka hadlay qaabka shaqadooda, waajibaadka waxyaabaha ay qabanayaan  iyo awooda gudi ahaan ay leeyihiin

.

 

Gudidaa oo ka kooban 19 xubnood, Gudoomiyohooda  Mr. Axmed Maxamed Cadaad oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Hotelka Imperial ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay xisbiyada siyaasada ee tartanka ku loolamaya ay waajib ku tahay inay qaataan oo u hogaansamaan haddiiba ay dhacdo inay gudidoodu soo saarto talaabooyinka Anshax-marinta ee xeerarka doorashooyinka iyo heshiiska hab-dhaqanka Xisbiyadu hore u wada saxeexeen.

 

 

Qoraalkaa uu Gudoomiyuhu ka akhriyay halkaasi wuxuu nuxur ahaan u qornaa sidan:-

 

 

Ø   “Guddida ilaalinta iyo habsami u socodka Doorashooyinku waxay ka kooban tahay 19 xubnood iyo xubin ay soo xulaan qaadhaan-bixiyayaashu oo goob joog ka noqda hawlaha gudidaa,

 

Gudigadu waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah qayb heer qaran ah oo joogaysa xarunta dhexe iyo qayb heer gobol ah oo joogaya ama ka warhaynaya gobollada,

 

waxaayna leedahay Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye iyo inta kale oo xubno ah.

 

Guddiga ilaalinta iyo habsami-u-socodka doorashooyinka waxa loo aasaasay kor u qaadista suurtagal-nimada in ay doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka ka qabsoonto, isla

 

markana ku gebagabaawdo turxaan la’aan.

 

Guddiga waxa xilkooda ka mid ah, ilaalinta habsami ugu dhaqanka xeerarka doorashooyinka iyo heshiiska hab-dhaqanka Xisbiyada siyaasadeed, xalinta khilaafaadka iyo

 

marunnada ka dhex dhasha dhinacyada ku loollamaya doorashada iyo soo saarista warbixinno ku saabsan siday dhinacyadu ugu dhaqmayaan xeerarka doorashooyinka,

 

heshiiska hab-dhaqanka Xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaan geeddi-socodka doorashada.

 

Guddigu waxay waxay awood u leedahay: Xallinta khilaaf kasta oo ka dhex dhasha dhinacyada heshiiskan hab-dhaqanka kala saxeexday, hubinta meel-marinta heshiiska

 

hab-dhaqanka Xisbiyada siyaasadeed, ka qaadista tallaabo anshax-marineed oo heshiiska hab-dhaqanka waafaqsan xad-gudub kasta oo Gudida, ama wakiilladeedu

ogaadaan dhicitaankiisa, Taabada anshax-marineed ee ay Gudidu soo saartaa, ama qaadaa waxay  noqonaysaa mid qaadashadeedu  waajib ku tahay dhinacyada ay  khusayso, si

 

waafaqsan xeerarka doorashooyinka iyo heshiiska hab-dhaqanka Xisbiyada siyaasadeed )Code of conduct).”

 

Waxa kaloo qoraalka gudida lagu sheegay qodobo mihiim ah, kuwaas oo faah-faahintooda  aan qoraalka lagu xusin, balse sida Gudoomiyiha gudidaasi sheegay la faah faahin doono, waxayna qodobadaasi yihiin sidan:-

Ø   Maamulka ololaha doorashooyinka

Ø   Waxyaabaha ka reeban Xisbiyada wakhtiga doorashada

Ø   Reebbanaanta isticmaalka iyo haysashada hubka

Ø   Dhexdhexaadnimada hantida iyo adeegyada qaranka

Ø   Geeddi-socodka doroashada

Ø   Tallaabooyinka ay Guddigu ka qaadi karto ku xad-gudubka heshiiskan hab-dhaqanka

Ø   Doorka Saxaafadda ee ololaha doorashada

Ø   Maaliyadda iyo Hantida Qaranka.”

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                    

E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *