Hargeysa(ANN)-Muran Gacan ka hadal ah ayaa shalay subaxnimidii hore ku dhexmaray Ciidanka Bilayska iyo Ganacsatada wax ku iibiya Suuqa yare ee deyrka Idaacada dhiniciisa Bari. Ka dib markii koox ka tirsan Ciidanka Bilayska iyo saraakiil ka socotay  dawlada Hoose ee Hargeysi halkaa yimaadeen, isla markaana ku war geliyeen dadkaa danyarta ah inay ka guuraan.

 

 

 

 

 

Hase yeshee waxa ka cadhooday qorshahaa ganacsatada wax ku iibiya gidaarkaa oo wadada laamiga ah ee Basaska Idaacadu maraan, waxaana halkaa ka dhacay mudaharaad rabshado wata oo sababay in  Taayiro lagu gubo wadadaa, iyadoo ay ciidanka Bilaysku garaaceen qaar ka mid ah dadkaa. Laakiin markii ay suurta geliwayday in dadkaa laga raro goobtaa ayay ciidankii iskaga tageen.

Weriye ka tirsan shebekada wararka ee Araweelonews. Ayaa  saaka booqday suuqaa, isla markaana la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaas  oo  sheegay inay shalay subaxnimadii hore ku war heleen Boodh weyn oo lagu dhejiyay halkaa, kaas oo lagu qoray, “Dhulka Hantida Ma Guurtada ah”. Xasan Maxamed Yuusuf oo mid ka mid ah ganacsatada suuqaa ku iibiya badeecadaha yar yar iyo Huudhaydhka, wuxuuna isagoo ka hadlaya wixii dhacay yidhi, “Subaxnimadii hore ayay Boodh weyn oo ay ku sheegayaan inay meeshu tahay dan guud ka taageen, kaas oo dadkii ka cadhooday, markii ay yidhaahdeen ka guura meesha ayay dadkii iyo ciidankii is Af-dhaafeen. Kadibna waxa bilaabmay gacan ka hadal iyo in Taayiro la gubo.”

 

Mar uu ka jawaabayay cida meesha iibsatay waxa uu sheegay inay dadka u sheegeen in la siiyay Nin Magaciisa la yidhaahdo Gaabane oo Mishiina Laydh ku haysan jiray halkaa, balse waxaanu ogaanay in aanay waxba ka jirin ee la doonayo in ganacsato kale laga iibiyo.

Sidoo kale Maxamed Cilmi Hargoole oo ah Oday ku haysta halkaa Qasabad biyood ayaa, isagoo ka hadlaya wixii meesha ka dhacay, waxa uu yidhi, “Anigu waxaan ahay Ninkaa curyaanka ah ee aad aragto, meeshani waa dhul dan guud anaganu ma lihin. Laakiin waxaa nagu dhacay weerar aniga waxay askartu ila dheceen laad iyo qori dabadii”.

Maxamed Hargoole wuxuu  intaa ku daray in dhulkaa la keenay shalay subax Boodh weyn oo dawlada Hoose keentay. Kadibna ay u sheegeen inay meesha ka guuraan, taas oo sida uu sheegay laga iibiyay ganacsato, balse dadka ganacsatada dan yarta ah ee meesha degan loogu sheegay in loo sharciyaynayo Nin la yidhaahdo Gaabane oo halkaa ku haysan jiray Mishiino Laydh oo weli yaala Balse aan shaqayn waqtigan, wuxuuna yidhi, “Haddii ay sheekadu ahaan lahayd gaabane waanu heshiin lahayn oo isaga waxba uma diidanin. Laakiin wuxuu Gaabane ii sheegay in aanu shaqo ku lahayn arrintaa. Sidaa awgeed waxaanu u aragnaa dhulka la boobayo inay qayb ka thay, meeshana shalay ayay askartu nagu soo dhiiratee, saddexdii maalmood ee u danbeeyayba way nagu war wareegayeen. Laakiin marii ay dadkii ku kaceen way iska tageen anaguna rabshad maanu wadine waxaanu nahay masaakiin lasoo weeraray, waadna aragtaa waa kuwaa nabaradii ay ii geysteen.” Ayuu yidhi Oday Maxamuud.

 

 Xukuumada Somaliland ee Madaxweyne Rayaale iyo Maayarka Magaalada Hargeysa ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaa in la xaraasho dhulka danta guud, iyadoo laga iibinayo ganacsato ay boobka hantida qaranka ku shuraakoobeen Madaxweyne Rayaale iyo Maamulka Dawlada Hoose.

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                    

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *