TmadashaTaleex (ANN)Madasha Shirka Taleex ayaa saaka ku waaberiisatay jawi ka duwan kii maalmihii shirku socday ka jiray halkaa . kadib markii Dr Cali Ciise Cabdi oo ka  mid ah xubnaha G6 (gudida sare ee lixda ah) oo ah aqoonyahanada  hagaya shirkaasi madasha kaga dhawaaqay in

 

laga tanaasulayo wixii hore iyo sheekooyinkii laysku meeweelinayay,   isla markaana hada wax waliba la soo bilaabayo. Sidaa awgeed ay kooxda sheegata inay ahaayeen SSC dadkooda ka mid noqdaan cuqdadana iska daayaan.
Sida ay shebekada Araweelonews u xaqiijiyeen dad goob koog ahi, weedhaha noocaa ah ee kasoo yeedhay Dr Cali Ciise oo ka mid ah aqoonyahanada hogaaminaya shirkaa  ayaa dhaliyay in malayshiyo  taabacsan Saleebaan Xagalatoosiye ay rasaas fariin ah cirka u ridaan, kuwaas oo ku hanjabay inay hogaanka madasha shirka la wareegayaan.
Dhinaca kale waxaa saaka  dhagxaan iyo shiid lagu weeraray  aqal ay deganaayeen laba madaxdhaqameed  oo  kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo deganaa guri ku yaala xaafada ku taala  dhinaca bari ee Taleex oo loo bixyay “Ceelasha biyaha”.
Labadan madaxdhaqameed  oo kala ah Boqor Cabdilaahi Axmed Cali iyo Suladaan Siciid Cismaan Cali ayaa waxaa ay xiliga weerarka lau soo qaaday aqalkooda waxaa ay ku maqnaayeen shir malinkii seddexaad u socda madaxad dhaqameedka  deegaanka oo ay kaga doodayaan mawqfkooda ku waajahan shirka Khaatumo 2, iyadoo ay madaxdhaqameedku kasoo horjeedaan aqoonyahanada  hogaaminaya shirka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay  Araweelonews in dadkaa shacabka ah ee dhagxaanta ku weeraray gurigaa ay deganaayeen labadaa madaxdhaqameed  ay  yihiin taageerayaasha  kooxda aqoonyahanka ee hogaaminay shirkaa.
Madaxdhaqameedka oo shirar hoose uga socday magaalada ayaa qaarkood doonayaan inay ka baxaan magaalada, iyadoo Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur iyo Ugaas Faarax Maxamuud Cali  oo ka mid ahaa kuwa iyagu hore shirka uga biyo diiday ayaa qorshaynayay inay ka baxaan magaalada, balse waxa laga celiyay Kaantarool dhinaca Bari ee magaalada ku yaal. Sidoo kale madaxdhaqameedka ka yimi Buuhoodle ee la arbushay gurigii ay deganaayeen ayaa doonaya inay ka baxaan magaalada Taleex, haddii ay u suurta gasho.
Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in raali gelin laga bixiyay arinta madaxdhaqameedka, balse waxa jira kulan  maalinkii seddexaad  uga socda qaar ka mid ah garaarada iyo madaxdhaqameedka guriga uu degan yahay Garaad Saleebaan garaad Maxamed oo si weyn uga soo horjeeda shirkaa, waxayna  garaadada qaarkood ku  doodayaan inay bayaan ka dhan ah kooxda  aqoonyahanka G6  ee hogaaminay shirka kasoo saaraan, balse waxa jira doodo garaadada iyo madaxdhaqameedka  shir doceedka ku leh halkaa  ku sheegayaan in  go’aankii ay ka qaadan la ahaayeen shirka la sugaan natiijada dhamaadka oo aanay ka hordhicin.
Dhinaca kale kooxda aqoonyahanka  G6,  ayaa hogaanka shirkaa u magcaabay xubno cusub oo la wadaaga hogaamintiisa, iyagoo kusoo darsaday  qaar ka mid ah garaadada  kasoo horjeeday iyo cuqaal, waxaana ka mid ah labada garaad ee  Gaaraad Jaamac Garaad  Cali ,   Garaad  Jaamac Garaad  Ismaaciil iyo laba caaqil oo kala ah Caaqil Maxamuud Askar iyo   Caaqil Hindi Maxamed.      Dr. Cali  Khaliif Galayd  iyo Dr. Cali Ciise ayaa hogaaminayay shirka, wuxuuna Mr. Galaydh maanta soo saaray magacyada ay ku kordhiyeen kooxda G6, kuwaas oo hogaaminaya shirka, balse cabashada madaxdhaqameedka ee ahayd inay kooxda aqoonyahanku maroorsadeen talada iyo hogaaminta shirka ayaan la hubin waxay ka bedelayso xubnaha cusub ee lagu kordhiyay hogaaminta shirka  oo ay ku jiraan laba garaad oo miisaan ku leh bulshada.

Dhinaca kale Aadan C/llaahi Shuuriye  oo sheegtay Hogaanka shirkaa ayaa idaacada VOA ee laanta afsoomaaliga u sheegay inay qorshaynayaan sidii ay maamul goboleed ugaga dhawaaqi lahaayeen, kaas oo sida uu xusay maanta lagaga dhawaaqay oo ay isku raaceen dhamaan ergooyinka kasoo qaybgalay shirkaa, balse waxa la weydiiyay sida uu maamul goboleedkaasi uga hirgelayo halkaa iyo xuduudaha uu yeelanayo, waxa uu sheegay inaanu ka hordhacayn, balse shirka laga soo saari doono qaabka uu maamul goboleedku u shaqaynayo. wixii kasoo kordha shirkaa oo meel xaasasi ah maraya kala soco Araweelonews.com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *