TTaleex (ANN)Madasha Shirka Taleex ayaa saaka ku waaberiisatay jawi ka duwan kii maalmihii shirku socday ka jiray halkaa . kadib markii Dr Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah xubnaha G6 (gudida sare ee lixda ah) oo ah aqoonyahanada hagaya shirkaasi madasha kaga dhawaaqay in
laga tanaasulayo wixii hore iyo sheekooyinkii laysku meeweelinayay, isla markaana hada wax waliba la soo bilaabayo. Sidaa awgeed ay kooxda sheegata inay ahaayeen SSC dadkooda ka mid noqdaan cuqdadana iska daayaan.
Sida ay shebekada Araweelonews u xaqiijiyeen dad goob koog ahi, weedhaha noocaa ah ee kasoo yeedhay Dr Cali Ciise oo ka mid ah aqoonyahanada hogaaminaya shirkaa ayaa dhaliyay in malayshiyo taabacsan Saleebaan Xagalatoosiye ay rasaas fariin ah cirka u ridaan, kuwaas oo ku hanjabay inay hogaanka madasha shirka la wareegayaan.
Dhinaca kale waxaa saaka dhagxaan iyo shiid lagu weeraray aqal ay deganaayeen laba madaxdhaqameed oo kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo deganaa guri ku yaala xaafada ku taala dhinaca bari ee Taleex oo loo bixyay “Ceelasha biyaha”.
Labadan madaxdhaqameed oo kala ah Boqor Cabdilaahi Axmed Cali iyo Suladaan Siciid Cismaan Cali ayaa waxaa ay xiliga weerarka lau soo qaaday aqalkooda waxaa ay ku maqnaayeen shir malinkii seddexaad u socda madaxad dhaqameedka deegaanka oo ay kaga doodayaan mawqfkooda ku waajahan shirka Khaatumo 2, iyadoo ay madaxdhaqameedku kasoo horjeedaan aqoonyahanada hogaaminaya shirka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Araweelonews in dadkaa shacabka ah ee dhagxaanta ku weeraray gurigaa ay deganaayeen labadaa madaxdhaqameed ay yihiin taageerayaasha kooxda aqoonyahanka ee hogaaminay shirkaa.
Madaxdhaqameedka oo shirar hoose uga socday magaalada ayaa qaarkood doonayaan inay ka baxaan magaalada, iyadoo Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur iyo Ugaas Faarax Maxamuud Cali oo ka mid ahaa kuwa iyagu hore shirka uga biyo diiday ayaa qorshaynayay inay ka baxaan magaalada, balse waxa laga celiyay Kaantarool dhinaca Bari ee magaalada ku yaal. Sidoo kale madaxdhaqameedka ka yimi Buuhoodle ee la arbushay gurigii ay deganaayeen ayaa doonaya inay ka baxaan magaalada Taleex, haddii ay u suurta gasho.
Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in raali gelin laga bixiyay arinta madaxdhaqameedka, balse waxa jira kulan maalinkii seddexaad uga socda qaar ka mid ah garaarada iyo madaxdhaqameedka guriga uu degan yahay Garaad Saleebaan garaad Maxamed oo si weyn uga soo horjeeda shirkaa, waxayna garaadada qaarkood ku doodayaan inay bayaan ka dhan ah kooxda aqoonyahanka G6 ee hogaaminay shirka kasoo saaraan, balse waxa jira doodo garaadada iyo madaxdhaqameedka shir doceedka ku leh halkaa ku sheegayaan in go’aankii ay ka qaadan la ahaayeen shirka la sugaan natiijada dhamaadka oo aanay ka hordhicin.
Dhinaca kale kooxda aqoonyahanka G6, ayaa hogaanka shirkaa u magcaabay xubno cusub oo la wadaaga hogaamintiisa, iyagoo kusoo darsaday qaar ka mid ah garaadada kasoo horjeeday iyo cuqaal, waxaana ka mid ah labada garaad ee Gaaraad Jaamac Garaad Cali , Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo laba caaqil oo kala ah Caaqil Maxamuud Askar iyo Caaqil Hindi Maxamed. Dr. Cali Khaliif Galayd iyo Dr. Cali Ciise ayaa hogaaminayay shirka, wuxuuna Mr. Galaydh maanta soo saaray magacyada ay ku kordhiyeen kooxda G6, kuwaas oo hogaaminaya shirka, balse cabashada madaxdhaqameedka ee ahayd inay kooxda aqoonyahanku maroorsadeen talada iyo hogaaminta shirka ayaan la hubin waxay ka bedelayso xubnaha cusub ee lagu kordhiyay hogaaminta shirka oo ay ku jiraan laba garaad oo miisaan ku leh bulshada.
Dhinaca kale Aadan C/llaahi Shuuriye oo sheegtay Hogaanka shirkaa ayaa idaacada VOA ee laanta afsoomaaliga u sheegay inay qorshaynayaan sidii ay maamul goboleed ugaga dhawaaqi lahaayeen, kaas oo sida uu xusay maanta lagaga dhawaaqay oo ay isku raaceen dhamaan ergooyinka kasoo qaybgalay shirkaa, balse waxa la weydiiyay sida uu maamul goboleedkaasi uga hirgelayo halkaa iyo xuduudaha uu yeelanayo, waxa uu sheegay inaanu ka hordhacayn, balse shirka laga soo saari doono qaabka uu maamul goboleedku u shaqaynayo. wixii kasoo kordha shirkaa oo meel xaasasi ah maraya kala soco Araweelonews.com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com