Nairobi(ANN) Dawlada Denmark ayaa sheegtay inay kor u qaadayso iskaashiga horumarinta ee ay la leedahay Somaliland, waxaanay balan qaadeen inay toos ula shaqayn doonaan ciidanka ilaalada xeebaha Somailand  oo ay  ka taageeri doonaan sidii loo xakamayn lahaa

budhcad- badeeda ka jirta xeebta gacanka cadmeed iyo Biyaha badweynta India ee xeebaha Somalia oo khatar weyn ku haya gaadiidka isaga guusha dacalada dunida.
Sidaasi waxa dawlada Denmark ka sheegtay kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wefti ka socday dalkaasi iyo wefti uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland  C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi oo u dhignaa sidan:-
“Wefti heerkoodu sareeyo  oo ka socda dawlada  Denmark oo  maalmihii la soo dhaafay  booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kenya,  oo ay ugu kuur galayaan,  daraasadna ka diyaarinayaan sidii ay  macluumaad iyo xog buuxda uga heli lahaayeen dalalka Africa ee ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo amniga.
Waftigan oo ka kooban toban Xubnood, waxa hoggaaminaya  Ku Xigeenka u qaybsanaha  Horumarinta ee Afrika  ee dawlada Denmark Mr.  Avders Fribolo ayaa maanta xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya kulan kula yeeshay  wefti ka socday Somaliland oo kala ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Mr. Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur) oo metalayay wasaaradda Arrimaha dibada  iyo ku xigeenkiisa.  C/Casiis Axmed Karaani.
Xubnaha Weftigan Denmark waxay ka kala socdeen Wasaaradaha Cadaalada, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arrimaha ay ka midka yihiin:
1.Arrimaha budhcad badeedka
2.Adkaynta nabad galyada Somaliland
3.Kor u qaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark ka fuliso dalka Somaliland
Waxa ugu horayn weftiga ku soo dhaweeyay Xafiiska Somaliland ee Nairobi oo  uga  mahad celiyay socdaalkooda Wakiilka Somaliland ee Kenya Mr. Maxamed Axmed  (Indhabur), kadib waxaa halkaas hadal mahad naq ah ka soo jeediyay madaxa weftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu ammaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faah faahin ka bixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo uu tilmaamay inay  xuran  u tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay inay  u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi ururin u samayn lahaayeen, isagoo carabaabay inay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad  u danaynayaan in ay ka taageeraan dhinaca horumarinta iyo waliba amminiga  gaar ahaan ciiddamada ilaalada xeebaha oo uu sheegay inay wada shaqayn toos ah la samaynayaan booqanayaana dhawaan.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Somaliland   C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaanu tafaasiil ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay, waxaanu u soo bandhigay baahiyaha dalku uga baahan yahay in laga taageero.
Guddoomiyuhu wuxuu dalka Denmark ka dalbaday inay kordhiyaan dhaqaalaha iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Somaliland.
Sidoo kale waxa  ka hadlay shirkaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare  ee  Somaliland. Cali Xaamud Jibriil, oo sheegay inay uga mahad celinayaan xukuumad ahaan dawlada Denmark gargaarka ay siiyaan waxaanu u soo jeediyay inay kordhiyaan mashaariicda dib u dhiska dalka.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale wasiirka iskaashiga iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Denmark ayaa dabayaaqadii sannadkii hore Somaliland ku yimi booqasho ayaa sheegay inay taageero dhaqaalle siinayaan Somaliland, isla markaana ay ka qaybqaadanayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa kumanaan dhalinyarada  Somaliland ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *