Tripoli (ANN) Hogaamiyaha midabada baddan ee Mucmar Al-qadaafi ayaa markii u horaysay ka hadlay Telefishanka dalkiisa oo rabshado iyo xasuuq badani ka socday maalmihii u danbeeyay. Kadib markii kacdoono ka bilaabmay halkaa oo la doonayay in xilka lagaga tuuro ay isu bedeleen rabshado

 

gacan ka hadal ah.

Col. Qadaafi oo ka hadlay Telefishanka dalkiisa, isaga oo jooga dhismaha  Guriga burbursanee Maraykanku ku duqeeyay sannadii sideetanaadkii oo ku yaala duleedka Tripoli ayaa sheegay in aanu xukunka ka degayn oo aanu cadhoonayn, isla markaana aanu baqayn sida ay hogaamiyayaasha carabtu sameeyeen.

Mr. Qadaafi oo xidhan dhar uu caanka ku yahay duubka weyn iyo  koofiyada   iyo maryaha waaweyn, isla markaana isku jeeni qaaray oo huwan go’iisa   ayaa kasoo baxay shaashada telefishanka maanta, isagoo ku si xamaasad leh u hadlaya.  Kadib markii ay xalay soo baxeen warar sheegaya inuu dalka ka baxay oo u baxsady dalka Venezuela eek u yaal laatiin Ameerika, wuxuuna, isagoo jawaab ka bixinaya wararka sheegaya inuu baxsaday yidhi,  “anigu ma ihi Madaxweyne ee waxaan ahay hogaamiye Kacaan, hogaamiye kacaana ma baqo, ma cararayo, mana baqayo, mana cadhoonayo oo xukunka kama degayo  sida ay  yeeleen madaxda carbeed dhowaan. Waxan ahay geesi ka yimi Miyiga iyo saxaraha oo kasoo bilaabay Kacaanka Libya halkaa gaadhsiiyay, waxan ugu baaqayaa shacbiga Libya inay debeda usoo baxaan oo ay difaacaan sharaftooda iyo sharafta wadankooda ayuu yidhi.
Col. Mucmar Al-Qadafi Abu Minyar waxa uu yidhi, “ Ma waxaa doonaysaan inaad noqotaan sida Somalia, Afganasitaan iyo Ciraaq oo Maraykanka iyo xulufadiisu dalkiina timaado, hadaydaan dulinimadaa doonayn debeda usoo baxa shaaraca usoo baxa oo sharaftiina iyo qaranimadiina difaaca oo canaasiirta u jawaaba, waxaanu siinaynaa jawaab jawaabtana dhulka ayay ka dareemi doonaan ayuu yidhi Mucmar Al-qadafi. Wuxuuna rabshadaha socda ku eedeeyay inay ka danbeeyaan Maraykanka iyo Britain oo isticmaalaya kooxo uu ku tilmaamay canaasiir mukhaadaraad lasoo siiyay,  isagoo sheegay inay doonayaan inay Libya burburiyaan si ay usoo galaan oo khayraadka u gurtaan. Laakiin wuxuu sheegay inuu ku dhimanayo dalkiisa oo difaacayo, kuwaasina ay jawaabtooda helayaan.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada caasimada ah ee Tripoli ayaa sheegaya inay xaalada caasimadu degantahay maanta, iyadoo magaalada muhuumka ee Baynqaasi ay kooxo mucaarid ahi gacanta ku hayaan wadooyinka iyo meelaha magaalada dhexdeeda, marka laga reebo meelaha mihiimka ah oo ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanku sida madaarada iyo xarumaha waawayn. Wadamo baddan ayaa dadkooda ka daadgureeyay, isla markaana dadka somalida eek u sugan dalkaa oo intooda badani ku jirto xabsiyada ayaa dhibaato weyn soo waajahday, kuwaas oo aan haysan cid u gurmata.

Dadka ku dhintay rabshadaha ka socda dalka Libya ayaa tirade dadka ku dhintay ilaa hada lagu sheegay 500 qof, halka ay in ka baddan 1000 ku dhaawacmeen, iyadoo cusbitaalada oo dawooyinu ka dhamaadeen, isla markaana aanay cidna u adeegayn dadka dhaawaca  ah, taas oo keentay in dhawaaca qaarkood loo daad gureeyo wadamada jaarka ah sida Tunisia.
Xaalada dalka Libya ayaa hada u muuqata  mid aan la saadaalin Karin sida ay noqonyn, isla markaana dawladaha waawayn ee aduunka, kuwaas oo ku baaqaya in la joojiyo xasuuqa ka socda halkaa, iyadoo ay Xukuumadda Libya Mucmar Al-qadaafi u adeegsatay banaanbaxayaasha diyaarado hawada lagaga duqeeyay maalmihii lasoo dhaafay. waxaana jirta cabsi laga qabo in haddii ay xaalada Libya faraha ka baxdo ay saamayn ku yeelato dhaqaalaha aduunka maadaama ay ka mid tahay wadamada ugu horeeya saliida shidaalka dunida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail ifo@araweelonews

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *