Hargeysa(ANN) Boqolaal ka mid ah Dadweynaha xaafada News Hargeysa ee Barriga magaalada Hargeysa  ayaa saaka isugu soo baxay mudaharaad balaadhan, isla markaana wadada laamiga ah ku gubay Taayiro iyo dhagxaan ay ku gooyeen jidadka. Kadib markii labadii todobaad ee u danbeeyay

 

ay xaafadaa soo food saartay mushkilad weyn oo gubasho in ka baddan 25 gurri oo dab qabsaday.
Dadweynaha mudaharaadka isugu soo baxay oo ahaa dhalinyaro iyo dad waayeel ah cabashada ayaa ka  cabanayay gubista guryaha xaafadaa oo maalin walba ay gubtaan saddex ilaa laba Gurri, kuwaas oo la fahmi waayay sababta ay u gubanayaan.

25 guri ayaa dab qabsady xaafada News Hargeysa mudo  bil gudahaheed ah, ma jirto cid wax ku noqotay guryahaa oo ahaa sandaqado dhismayaal daaaro ah iyo Aqal soomaaliyo, waxaana maanta gubtay gurigii 25aad, taas oo keentay inay dadku cabasho mudaharaad isugu soo baxaan saaka

Mudaharaadayaasha ayaa cabashadooda ku sheegay inay xukuumadda madaxweyne axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka seexatay arrimihii dhinaca nabadgalyada, isla markaana ay arrintooda ciidanka Bilaysku waxba ka qaban waayeen mudaadii ay socotay arrinta guryaha gubashadoodu.

“Ma doonaynayno xukuumadan, haddii aanay amaanka gudaha magaaladda waxba ka qaban doonin waa inay is casishaa” iyo erayo kale ayaa ka mid ahaa waxyaabihii ay ku qaylinayeen  Mudaharaadayaashu.

Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray, oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Hargeysa oo la hadlayay mudahaaradayaasha ayaa u sheegay inay isdejiyaan,  isla markaana nabada ilaaliyaan.

Suldaanku waxa uu tilmaamay in xukuumadda ay gaadhsiin doonaan cabashadooda,  isla markaana laga filayo in wax qabadkeeda dhinaca amaanka sida ugu dhakhsaha badan la arki doono.

Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo soo gaadhay goobta  yimi goor danbe, iyadoo ay halkaa soo gaadheen  Ciidamada amaanku, wuxuuna sheegay inay  wax  badan ka qaban doonaan cabashadan ka soo yeedhay dadweynaha xaafada, waxaanu isla goobtaa xilkii kaga qaaday taliyaha Saldhiga New Hargeysa Mr. Mahdi Nuur  Lixle oo ay dadku ku eedeeyeen  in aanu wax badan ka qabin amaanka Degmada iyo xaafadooda.

Taliyaha Ciidanka Bilayska Rooble Fure waxa kale oo uu sheegay inay ilaa hadda falalkan gubista guryaha loo qabtay ku dhawaad afar qof, kuwaas oo looga shakiyay inay iyagu ka dambeeyeen.

Waxaanay markii dambe talyaha ciidamada booliska iyo Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray ku guuleysteen inay si nabad ah wadada taayaradii lagu gubay iyo dhagaxaantiiba uga qaadaan iyada oo ay mudahaaradaayashuna ay si tartiib-tartiiba ah ugu laabteen guryahoodii.

Dhinaca  kale  warar shebekada Araweeelonews ka heshay dadka xaafada ayaa sheegaya in Afarta dhalinyarada ee loo qabtay falalka gubista ay ahaayeen kuwii ilaalin jiray Xaafada ee gaadhka ahaa, waxaana intii ay xidhnaayeen ilaa shalay weli sii socda gubashadii Guryaha oo aan istaagin.

C/qaadir   Fartaag oo ah Nin dhalinayaro ah oo ka mid ah dadka xaafada ayaa u sheegay  Araweelonews in Abtigii oo gurigiisu yahay Dhisme dhagax ah uu gubtay doraad subaxnimadii, isla markaana aanu ku jirin Layd gurigaa iyo kuwo kale oo baddan oo gubtay haddiiba looga shakiyi lahaa in laydhku gubay. Sidoo kalena aanay cidna joogin xiligaa, balse uu sidaa ku shufbeelay gurigaasi.

C/qaadir Fartaag  waxa uu dooday inuu rumaysan yahay in gurayahaa gubashadooda uu danbeeyo Jin. Sidaa awgeed wuxuu ku dooday in si cilmiyan ah loo baadho arrinta.
Sidoo kale haweenay ka mid ah dadka Xaafada ayaa u sheegtay shebekada Araweelonews inay rumaysantahay in gubashada guryahaasi tahay arrin qayral caadi ah, iyadoo ay guryuhu gubtaan inta u dhaxaysa sagaalka subaxnimo ilaa saddexda galabnimo ee waqtiga Hargeysa, “Gurayaha gubashadooda waxaan Qabaa inay tahay arrin Jin ee aanay ahayn arrin Insi ku shaqo leeyahay, waayo guryaha gubtay cidna waxba kuma noqoto waxaana gubashadu dhacdaa xiliyo cayiman, intooda badana maaha kuwo laydh isticmaala. Haddii laydhka looga shakiyi lahaa.’ Ayay tidhi Xaliimo.

Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Bilayska Rooble Fure ayaa saxaafda u sheegay inay Afartaa nin u qabteen falalka gubashada, isagoo sheegay in guryahaa lagu tuuro dushooda caagado waxyaabaha batroolka iyo gaasta. Kadina sidaa lagu gubo.
Si kastaba ha ahaatee gubashada guryahan ayaa u muuqata mid qayral macquul ah oo u baahan baadhitaan dheeraad ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile

 

Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380
+  252 7910 7347

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *