Dubai(ANN) Wefdiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo )  oo weli ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Amiirka leh dhaxalka,

 

isla markaana ah Taliye Ku xigeenka ciidammadda ee dalkaa Maxamed bin Zayed Al Nahyan, kaas galabta xafiiskiisa ku qaabiley weftiga.

Sida ay sheegayaan wararka shebekada Caalamiga ah ee Araweelonews heshay kulanka ayaa la xidhiidhay kulamo ay wefdiga Somaliland la yeesheen qaar ka mid ah Masuuliyiinta dalka Imaaraadka carabta oo lagaga hadlay mashaariic ay dawlada Imaaraadku balanqaaday inay ka fulinayaan Somaliland iyo dhamaystirka kuwo ay hore uga waday,

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulamadii uu la yeeshay Madaxda Imaaraadka kaga dalbaday mashaariic dhinaca horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kuwaas oo ay balanqaadeen inay fulinayaan, isagoo dhinaca kalena usoo jeediyay inay Maalgashadaan Somaliland.

Dhinaca kale socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa kusoo beegmay iyadoo uu maalinta beri 26 March 2013 dalka Qadar ee magaalada Dooxa ka furmayo shir madaxeedka wadamada Carabta oo socon doona laba maalmood, kaas oo qodobada lagu soo qaadayo ay ka mid yihiin arrimaha Somalia, iyadoo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud usii jeedo shirkaa si uu uga qaybagalo, isagoo markaa kadibna la filayo inuu booqasho ku tago dalka Imaaraadka Carabta oo ay ku sugan yihiin wefdiga Madaxweynaha Somaliland, kuwaas oo joogaya halkaa  ilaa dhamaadka todobaadkan.

Sida ay sheegayaan xoggo dublamaasiyadeed ee shebekadda Caalamiga ah ee Araweelonews  ka heshay ila wareedyo kala duwan iyo dad u dhuundaloola safarka wefdiga Madaxweynaha Somaliland, waxa suurta gal ah in Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia ku kulmaan maalinta Khamiista dalka Imaaraadka Carabta, kulankaa oo daba socda kulan  sanadkii hore ka dhacay Imaaraadka oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa safar uu ku tegey Imaaraadka Carabta badhatamihii  2012, waxay kulan ku wada yeesheen halkaa Madaxweynihii hore ee dawlada Ku meelgaadhka ahayd ee Somalia Sheekh Shariif Axmed, kulankaa oo daba socday shirkii beesha Caalamka ee London Feb, 2012, oo lagu qorsheeyay in labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia u wadahadalaan si siman iyagoo lab dal ah, waxaana kulanka Imaraadka labada hogaamiye waqtigaa wadajir uga soo wada saareen Heshiiskii loogu magacday Dubai statement ee soo baxay 28 Jun 2012, kaas oo ay wada jir u wada saxeexeen labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia, isla markaana lagu shaaciyay qodobo kooban iyo in labada dhinac sii wadaan wadahadalada.

Imaaraadka Carabta iyo Qadar ayaa ka mid ah wadamada loo xilsaaray inay sii wadaan wadahadalada labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland, balse Madaxweyne Siilaanyo oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin  la weydiiyay in booqashada Imaaraadka ee safarkiisa ay qayb ka tahay wadahadaladii Somaliland iyo Somalia oo ay halkaa ku kulamayaan  dhigiisa Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in aan arrintaa loo sheegin oo ay casuumad ka heleen dawlada Imaaraadka, isla markaana ay kala hadlayaan arrimo la xidhiidha mashaariic horumarineed oo ay dalka hore uga wadeen iyo kuwo ay doonayaan inay ka dalbadaan madaxda dalkaa.

In kasta oo Madaxweyne Siilaanyo sheegay in aan arrintaa wadahadal ay Somalia kula yeeshaan Dubai qorshaha ugu jirin safarkiisa, hadana waxa uu carabka ku dhiftay in arrimaha Somaliland iyo wixii danteedu ku jirto aanay diidayn.

Si kastaba ha  ahaatee waxa ay tibaaxaha iyo xoggaha shebekada caalamiga ah ee Araweelonews heshay sheegayaan in dalalka Imaaraadka iyo Qadar wadaan dhamaystirka  qorshaha wadahadalada hore  ugu bilaabmay Somalialnd iyo Somlaia, iyadoo dhinaca Imaaraadka shirka wadamada Carabta ee Dooxa ay ka qayb galeen wefdi  culus oo uu hoogaaminayo Raysal Waasaraha Dalka Imaaraadka Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, kuwaas oo doonaya marka uu dhamaado kulanka Dooxa in Madaxweynaha Somali usoo duulo dhinaca  Dubai oo ay wefdiga Madaxweynaha Somaliland ku sugan yihiin,  balse  qorshaha ay wataan dalalka  Imaaraadka Carabta iyo Qadar ee dhamaystirka wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ayaan la hubin  in ay noqon doonaan kuwo toos ay isu waajahayaan labada hogaamiye iyo in  dhainac walba garkiisa loola kulmayo ka hor inta aan fool ka fool laysigu keeniin labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *