Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Digreeto ku  ku magacaabay  maanta Gudi  qaban-qaabo oo uu u  xilsaaray Aaska Maayarkii Hargeysa  

Marxuum  Eng Yuusuf Warsame Siciid  oo xalay ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta.

Gudida Madaxweynuhu magcaabay oo ka kooban 15 Xubnood waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), waxaana qoraalkaa digreetada oo kasoo baxay qasriga madaxtooyada lagu yidhi sidan:- “Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aad ka warhaysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuun Yuusuf  Warsame Siciid.  Sidaa darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Yuusuf  Warsame Siciid.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunka.” Ayaa lagu yidhi digreetada.

Xubnaha Madaxweynahu u magcaabay Aaska Marxuumka ayaa kala ah sidan:-

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha    (Guddoomiye)                      Hargeysa

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                    Hargeysa

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda                                                      Hargeysa

 

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka              Hargeysa

 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda             Hargeysa

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta      Hargeysa

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska                                                                        Hargeysa

 

Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa                                             Hargeysa

Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa                                       Hargeysa

 

Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda   Hargeysa

 

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe                                                           Hargeysa

 

Xildhibaan Maxamuud Axmed  Oobsiiye                                                   Hargeysa

Mudane, Maxamed Baarjeex                                                                        Hargeysa

 

Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed                                                         Hargeysa

 

Marwo, Aamina Yusuf Aar                                                                           Hargeysa

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *