Abu Dhabia(ANN)Alle ha u naxriistee waxa waaberigii saaka  ku geeriyooday Cusbataal ku yaala magaalada Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta Maayirkii Caasimada Hargeysa Eng. Yusuuf Warsame Siciid oo

 

mudooyinkii u dambeeyey xaalad Caafimaad u joogay dalka Imaaraadka.

 

Qaar ka mid ah Ehelada Marxuumka  iyo muwaadiniin ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa u xaqiijiyay  geerida naxdinta leh ee Maayarkii Magaalada Hargeysa Eng Yuusuf Warame Siciid, marxuumka  ayaa u geeriyooday xanuun mudooyinkii u danbeeyay ay la tacaalayeen dhakhaatiirta dalka Imaaraadka ee Cusbitaalka Jaziira oo lagu dawaynayay Marxuumka. Ka hor intii naanu geeriyoon saaka waaberigii hore.

 

Alle ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa Eng   Yuusuf Warsame Siciid oo kasoo baxay xisbiga Kulmiye ee muxaafidka doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee kal hore ka dhacay dalka ayaa mudo kooban shaqeeyay, wuxuuna ahaa marxuumku Maayar ay si weyn ugu han weynaayeen Bulshada Reer Hargeysa oo filayay inuu wax weyn ka tari doono mashkiladaha caasimada Hargeysa, balse waxa kasoo hor maray Xaqa Alleh.

Marxuum Yuusuf Warsame Siciid oo geeridiisa si weyn looga wada naxay, ayaa la filayaa in Maydkiisa la keeno Caasimada Hargeysa  maalmaha soo socda si aas qaran loogu sameeyo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa dhanbaal tacsi ah u diray Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Golaha Deegaanka Hargeysa iyo shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyeeyay geerida Maayarkii Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid.

 

Dahnbaalka Tacsida ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore 07/04/2013.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba.

 

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku.

 

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale Shebekadda wararka Araweelonews waxay tacsi u diraysaa Qoyskii, Qaraabadii, Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Bulshada Caasimaida Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Yuusuf Warsame, waxayna Marxuumka Illaahay uga Baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo Bushadana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *