Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa jawaab hanjabaad ah ka bixiyay cabshooyin ka dhashay qaabka loo maamulay mashaariicda Shirkaddaha shidaalka doonaya inay kasoo saaraan

deegaanada u dhexeeya gobolada Sanaag, Saraar  iyo Togdheer ee Bariga Somaliland.

 

Kadib markii dadka deegaanku si weyn cabasho ugu muujiyeen qaabka Madaxtooyadda Somaliland u maamushay mashaariicda qandaraasyada, taas oo dadka deegaanka ka cadhaysiisay, isla markaana ay cabsho arrintaa la xidhiidha ula tageen Madaxweynaha Somaliland, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay qaarkood ka hadlayeen warbaahinta, iyagoo si cad u sheegay in aan waxba laga baadhi Karin Khayraadka ku jira deegaamadaa ilaa la saxo maamul xumadda iyo cadaaladarada ay tirsanayaan.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta kasoo saaray qasriga Madaxtooyadda Somaliland  qoraal lagu sheegay wareegto lagu amrayo in  Hay’addaha sharciga iyo kuwa amaanku talaabo ka qaadaan cid kasta oo ka muujisa cabsho, ama  isku dayda inay hor istaagto hawsha baashista shidaalka.

Qoraalka Wareegtada Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta loo qaybiyay ayaa u qornayd sidan:-  “Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1689/042013 taas oo ku saabsan khayraadka dabeeciga ah ee Dalka:

Madaxweynuhu:-

Xukuumaddu waxay xil mug iyo miisaan leh iska saartay sidii loo manaafa-caadsan lahaa Khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan Dalka.

Sidaas awgeed, sida aad ka warhaysaan waxa dalka ka socda baadhitaanno lagu sahaminaayo Khayraadka ku jira Dalka; sida shidaalka iyo Saliidda, kawaas oo ka mid ah hantida Guud ee Dalka.

Sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad, Faqradiisa 4aad, Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto Khayraadka ku jira berriga iyo badda. Bulshada Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habsami-u-socodka Shaqada, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee Shaqada ku hawlan.

Haddaba, waxa aan farayaa Hay’addaha ay wareegtadani khusayso, inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda dhaq-dhaqaaq diidmo oo beelaysan, deegaamaysan iyo abaabul kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

 

Dhinaca kale  wareegtada hanjabaada ah ayaa kusoo beegantay  wax yar laba sadex maalmood ka dib markii ay dadka  deegaanka la doonayo in hawshaa laga bilaabaa cabasho la hortageen Madaxweynaha Somaliland, taas oo sida ay u  sheegeen  shebekadda Araweelonews qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalay kulankaa Madaxweyne Siilaanyo garwaaqsaday  cabashadooda, taas oo uu balanqaaday in wax laga qabanayo oo la saxayo, isagoo u yeedhay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland iyo madaxda shirkadaha, kuwaas oo uu amar ku siiyay inay khaladaadka dhacay ee sababay cabashada dadka deegaanka saxaan, balse qoraalka wareegtada ah ee maanta kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda ayaa u muuqda mid waxba kama jiraan ka dhigaya cabshadii uu hore Madaxweyne Siilaanyo u gar waaqsaday.

Si kastaba ha ahatee wareegtada Madaxweye Siilaanyo ayaa u muuqata mid hanjabaad ah oo ku waajahan cabshada dadka deegaanka, taas oo ay suurta gal tahay inay xaalada sii kiciso.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *