Hargeysa(ANN)-Qaar ka mid Ururada xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa ku eedeeyay xukuumada Somaliland iyo xisbigeeda UDUB inay jebiyeen xeerka anshaxa doorashada madaxtooyada ee ay wada saxeexeen saddexda xisbi qaran ee tartanka Ololuhu ka dhexeeyo.

 

 

 

Sidaana waxa lagu sheegay  baaq canbaarayn ah oo kooxdaasi maanta kasoo saartay magaalada Hargeysa, kaas oo lagu socodsiiyay komishanka doorashooyinka qaranka, gudida anshaxa doorashada madaxtooyada, saxaafada iyo daneeyayaasha maalgelinayay hawlaha doorashada Somaliland.

 Qoraalka Baaqa ah oo uu ku saxeexnaa  Saleebaan Ismaaciil Bulaale oo u hadlay kooxdaa, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan;-

 

“Isbahaysiga Dhexdhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaciisa loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, kaasi oo ay ku bahoobeen 22 urur bulsho oo ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee aadamiga ku uuman gayiga Somaliland, waxay si wadajir ah qaylo dhaantan ugu dirayaan hay’adaha kor ku xusan si ay ugu muujiyaan falal xadgudub ku ah xeerka doorshadda madaxtooyadda Somaliland gaar ahaan xiliga lagu jiro ololaha doorashada oo ay kormeereen difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland seddexdii maalmood ee ugu horeeyay xiliga ololaha doorashadda madaxtooyada Somaliland soconayso.

 

Difaacayaasha Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo si taxadir badan oo dhex ah u kormeerayay qaabka ay Axsaabta Siyaasadda Somaliland ay u wadaan ololayaashooda doorashada madaxtooyadda, hantida ay u isticmaalayaan ololayaashooda xaga ay ka keenaan, iyo bal in si siman ay ugu adeegayso warbaahinta qaranku seddexda xisbi qaran xiligan lagu jiro ololaha doorashadda madaxtooyadda Somaliland.

 

Isbahaysiga Dhexdhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland, kormeerkooda ay ugu dhabo galyaan habsami u socodka ololaha doorashada Somaliland waxa aasaas iyo gundhig u ahaa xeerka doorashooyinka madaxtooyadda Somaliland, Xeerka Anshaxa Doorashadda Madaxtooyada oo ay seddexda xisbi iyo komishanka qaranku kala saxeexdeen 13/04/2010 iyo aaladaha xuquuqda aadamiga ee caalamiga ah.

 

Natiijooyinka ka soo baxay kormeerka difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxay yihiin sidatan:

 

Xisbiga taladda haya ee UDUB gabi ahaanba waxa uu u isticmaalayaan hantidii qaranka, gaadiidkii dawladda iyo haybadii qarankaba ololahiisa doorashadda madaxtooyadda Somaliland taasi oo lid ku ah heshiiska hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda ee doorashada madaxtooyada (code of conduct) oo soo baxay 13/04/2010 gaar ahaan Qodobka 11 Farqaddiisa 1aad oo dhigaysa (Waxaa reebban in ay Xukuumaddu u adeegsato Xoogagga Nabadgelyada sida Ciidanka Booliska, Asluubta, Sirdoonka iyo Ciidanka Qarankaba in lagu cabudhiyo Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasadda iyo taageerayaashooda) sida aynu la wada socono ololahii doorashada madaxtooyada ee ku qabsoomay beerta xuriyadda magaalada Hargeysa 3/6/10 xisbiga taladda haya ee UDUB waxay ku ololalaynayeen ciidanka loo yaqaano baanboyda oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland. Halka xisbiga UDUB uu ka maanacay in baanboydu muusiga  u tumaan axsaabta mucaaridka ah.

 

 

Xogaha ay heleen kormeerayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ayaa daboolka ka faydaya in xisbiga UDUB si buuxda ugu maalgalinayo hantidii qaranka ololahiisa doorashada halka labada xisbi ee mucaaridka ah ay u isticmaalayaan ololahooda siyaasadeed qaadhaanka ay u soo dirayaan xubnaha qurba jooga ee xisbiyadaasi ka midka ah. Tani waxay lafjab ku tahay Qodoka 12: Dhexdhexaadnimada Hantida iyo Adeegyada Qaranka (neutrality of public offices, assets and facilities) kaasi oo dhigaya – Hantida Qaranka waa loo siman yahay, loomana adeegsan karo in loogu adeego danaha Xisbi gaar ah. Waxaa reebban in Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka, Maamullada kala duwan ee Xukuumiga ah, iyo Saraakiisha Dawladdu ay u ololeeyaan Xisbi gaar ah. Ururadda xuquuqda aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen in dhamaan badhasaabadda goboladda dalku ay si cad oo qaawan ugu ololaynayaan xisbiga UDUB, tusaale cad waxa ah oo saxaafadda laga wada daawaday labada badhasaab ee goboladda ugu dadka badan dalka oo kala ah Maroodijeex iyo Togdheer.

 

HAB-DHAQANKA XISBIYADA SIYAASADDA EE DOORASHADA MADAXTOOYADA : Maaliyadda Guud, Qodobkiisa  17oo ka hadlaya Hantida iyo Warbaahinta Dawladda  

 

Gabi ahaanba waxay ay warbaahinta xukuumaddu ay jabisay qodobkan kor ku xusan iyadoo 7 saacadood ee Tiifiiga Qaranku ee dalka gudihiisa laga daawadaa uu in ka yar 20 miridh oo kali ah uu sii daayo warar iyo barnaamujyo uu tafatir ku sameeyay oo ay leeyihiin labadda xisbi mucaarid iyadoo TV-ga qaranka in ka badan 5 saacadood oo ah xiliyadda ay dadwaynuhu sida aadka ah u daawadaan TV-yada uu sii daynaya barnaamujyada uu ku ololaynayo xisbiga UDUB oo kali ah.

 

GABOGABO TALO SOO JEEDIMO:

 

Difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ee ku bahoobay Isbahaysiga Dhexdhexaadka ah ee Ururrada Xuquuqda Aadamiga waxay xasuusinayaan xisbiga talada haya in ku tagri falka hantida umadda oo ay ku jirto u isticmaalka haybadda qaranka, ciidamada sharci iyo kaladanbayn fulinta ee qaranka  iyo  u adeegsiga olole doorasho cashuurta umadda laga soo ururiyo in ay keeni karto in aanay gabi ahaanba u dhicin si xor ah oo xalaal ah isla makraasina keeni karto qalalaasi iyo dagaalo sokeeye oo dalka ka holca. Tani waxay tacab khasaare ku tahay masiirka ummadda reer Somaliland. Cawaaqibka ka dhalan karaana waa iyadoo shamacii dimuquraadiyadda qaaradda madow ee Afrika iyo Caalamka Islaamka ee ka baxayay Jamhuuriyadda Somaliland uu bakhtiyo isla markaasina ay baaba’do rajadii aqoonisga caalami ah oo ay hesho Jamhuuriyadda Somaliland

 

Bulshadda reer Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaan nabadgalyadda isla markaasina ka fogaadaan qabyaalada iyo gobolaysiga

 

Xisbiyadda mucaaridka ha ogaadaan in dalka ay wadda dhisteen beelihii taageeri jiray SNM, iyo kuwii dagaalka kula jiray, si wadajir ahna ay u wado dhisteen qaran ay iyagu wada aqoonsan yihiin oo la yidhaa Somaliland, xuquuq siman ayayna dhamaan beelaha Somaliland ku wada leeyihiin qarankan sidaasi darteed waa in axsaabta mucaaridka ahi ka waantoobaan in ay ku ololaleeyaan hadalo naxli kala galin kara beelahan jamhuuriyadooda iyagu wada aqoonsaday ee aan caalamku aqoonsan.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aanu leenahay waxad ku gashay taariikh caalamka madaxwaynihii ka hirgaliyaya dimuquraadiyadda dal ku dhex yaal gobol ay halkeeyeen colaado iyo qalalaase gacan ka hadal ah tan iyo markii ugu horaysay ee laguu dhaariyay qaranka geeridii madaxwaynihii adiga kaa horeeyay marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal xiligaasi oo ku beegnaa 9 sanadood ka hor waxa aad hogaaminaysay qaran midaysan oo nabad ah oo dimuquraadiya, sidaasi darteed maanta hadii aad ku guulaysato iyo haddii lagaa guulaystaba waxad seeska u dhigtay magac iyo maamuus ay manaafacaad san doonaan ilmaha ilamahaagu dhali doono 40 sanadood kadib sidaasi darteed ha noqon adoontii xabadii kimista ahayd ee u danbaysay ka kacday.”

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *