Hargeysa(ANN)- Xisbiga UDUB ee kooxda xukuumada Rayaale ayaa galay maalintii labaad ee kaanbeynka, waxaana habeenimadii magaalada hargeysa laga maqlayay sawaxanka sameecado dhaadheer oo dhawaaqoodu kulul yahay, kuwaas

 

oo saarnaa dhawr gaadhi oo marba dhinac u qaadayay wadooyinka laamiga ah ee magaalada, isla markaana ay dhibsanayeen bulshada caasimadu, maadaama ay xiligaa ku  beegnayd habeen badhkii oo ay dadka intooda badani hurdeen.

 

 

Hase yeeshee markii waagu beryay ayaa dhawaaqa sameecadahaa iyo sawaxanku dib ugu soo laabteen kuwii xalay maqlayay ee ka gami waayay qayladooda iyo kuwii saaka ku warhelay, waxayna dad badani is weydiinayeen waxa uu noqon doono isu soo baxa xisbiga UDUB iyo wuxuu kaga duwanaan doono maalintii bilawga Ololaha ee khamiistii hore oo ay weji gabax kala kulmeen guud ahaanba Bulshada inteeda badan, gaar ahaan magaalada caasimada oo ugu dad badan.

 

 

Balse waxa ugu danbayntii ku dhowaad sagaalkii subaxnimo fagaaraha Beerta xoriyada Hargeysa kusoo ururay abaabulkii socday ilaa saqbadhkii habeenimo, kaas oo isugu biyo shubtay inay halkaa yimaadaan dadweyne lagu qiyaasay boqolaal oo aad uga hooseeya qiyaasta maalintii hore soo baxaday.

 

 

 

 

Waxaana halkaa xili danbe yimi Madaxweyne  xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah musharaxa labaad ee UDUB, xoghayaha xisbiga jaamac Yaasiin iyo xubno wasiiro ah, kuwaas oo aan fursad u helin inay waxbadan  dhegeystaan dadkii fagaaraha ku sugnaa, isla markaana hadalo kooban ka jeediyay halkaa. Kadib markii ay dareemeen guux ka imanayay dhinaca dadweynaha oo ay masuuliyiinta geliyay shaki ah inay dareeri doonaan dadku.

Madaxweyne ku xigeenka, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo si deg deg ah khudbad kooban uga jeediyay halkaa ayaa yidhi,  “In Badan ayaa la lahaa UDUB way ku fashilantay barnaamujkeedi Siyaasadeed, kumaanu fashilminee Beri (Isniinta) ayaanu  keenaynaa oo cidwalba la siinayaa. Talabaad xisbigeenu,  waa xisbi fac-weyn ee waxaan idinkula dar-daarmayaa sida xisbiyada kale inaan la caytamin oo aan cidna la xajiimayn oo ololahana si fiican loo galo,”.

Musharaxa labaad ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu ugu baaqay Shacbiga  Somaliland ciddii uu anfaco barnaamijka Siyaasadeed ee UDUB inay codkooda si wanaagsan u siiyaan, wuxuuna  yidhi. “Waxaan ugu baaqaynaa Somaliland iyo ciddii uu barnaamijkayagu anfaco inay codkooda na siiyaan, codkoogaasuna waxa uu galayaa gacan aamina oo aan degdegayn, oo aan ku dhisnayn isir, Waxay maanta wadaan xisbiyada kale KULMIYE iyo UCID, waa qabiil, Somaliland-na Isir sooc uma baahna waxay u baahan tahay inay wada Socoto oo ay mid wada noqoto, jaarkeedana ay kula noolaato amni iyo cadaalad”.

Waxa kaloo hadalo kooban halkaa ka jeediyay masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada iyo xisbigeeda UDUB, balse markii haweenay doonaysay inay mikirifoonka qabsato laga fara maroojiyay, waxa bilaabmay sawaxan iyo buuq, isla markaana Bilayska ayaa dadka dhexgalay. Kadibna waxay dadka qaarkood bilaabeen inay ka baxaan meesha iyagoo ka cabsi qabay inay rabshado ka dhacaan, ama ay Bilaysku xidhaan, wuxuuna  xoghayaha guud ee xibigaa Jaamac Yaasiin Faarax (jug soo dhacay) oo shucuurta dadka iyo dhaqdhaqaaqooda la socdaa ku darsaday hadalo kooban oo uu halkaa ka jeediyay, “ciddaa doontaan u codeeya walaalayaal”. Isagoo afhayeenka maadaxtooyada Siciid Cadaani oo hadalkii sii wata xili ay dada intoodii badnayd dareereen xoghayuhu ka codasay dhawr jeer  inuu soo koobo hadalka inta aanay dadku ka dareerin fagaaraha Beerta xoriyada. 

Markii laga soo dareeyay halkaa waxay koox ka mid ah taageerayaasha UDUB  sameeyeen jaah wareerin iyagoo watay  ilaa labaatan gaadhi oo gaadiidka yar yar ah, kuwaas oo ay ku xidhnaayeen sameecado dhaadhee, waxayna ilaa labadii duhurnimo  wareegayeen  wadooyinka magaalada, iyagoo jidadka marba dhinac u qaadayay, taas oo ujeedadoodu ahayd in aan la waayin sanqadhooda, mar hadii ay weji gabax kala kulameen maalintii labaad oo ay cadaatay sida aanay wax taageero ah uga haysan bulshada caasimada,  gobolada iyo degmooyinka kale ee dalkaba. Iyadoo magaalooyinka kale ee Somaliland isu soo baxa maalintii labaad ee xisbiga UDUB aanay muuqan inay wax cudud ah ku leeyihiin.

Dhinaca kale Magaalada Oodweyne ayaa isu soo baxa maalintii labaad ee xisbiga UDUB, wuxuu isu bedeley mudaharaad lagu dhaleecaynayo xogahaya guud ee xisbigaa, iyadoo ay boqolaal dad ah oo saaka halkaa isugu soo baxay gubeen calanka xisbiga UDUB, isla markaana wadooyinka magaalada ku mareen socod iyagoo ku dhawaaqaya weedho ay ku canbaaraynayaan xisbigaa iyo xoghayahiisa guudba.

Taageerayaasha UDUB ee Oodweyne ayaa ka cadhooday. Kadib markii shalay xilkii laga qaaday gudoomiyihii Oodweyne ee xisbiga UDUB. Basle waxa iyana soo baxayay  warar sheegaya in mudaharaadka uu sabab u ahaa masuulkaa xilka laga qaaday, kaas oo xil ka qaadistiisu ka dhalatay markii ay soo bexeen muran isaga iyo wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub  iyo xoghayaha guud ee xisbiga Jaamac Yaasiin  u dhexeeyay oo la xidhiidha qaabka loo maamulay kharashkii  kaanbaynka oo gacanta loo geliyay shaqsiyaad gaara oo sida ay qaar ka mid taageerayaashu ku doodayaan ku kacay wax is daba marin iyo musuq maasaq. Sidoo kale  waxa jiray cabashooyin  ilaa maanta gelinkii danbe qaar ka mid ah qaban qaabiyayaasha ololaha ee dhinaca xisbiga ee magaalada hargeysa iyo meelo kaleba inay isku maan dhaafeen kharashaadka loo qorsheeyay abaabulka maalinta Ololaha, taas oo shaqsiyaad gaari jeebka ku shubteen. Kadibna ka cadhaysiisay hawlwadeeno badan oo ka tirsanaa kuwa abaabulayay isu soo baxyada ololaha.

  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *