stories/hooyada inanteedu xabsiga ku dhimatay.jpg 

Hargeysa(ANN)-Hooyo Aamina C/llaahi Maxamed ayaa ku eedaysay gudida nabadgelyada gobolka Hargeysa inay si sharcidaro ah u xidheen Inanteedii curad. Ka dibna Afartan maalmood ka dib loogu yeedhay Maaydkeedii oo Katiinadaysan.

 

 

Sidaana waxay Hooyo Aamina u sheegtay Weriye ka tirsan shebekada araweelonews oo maanta kula kulmay gurigeeda oo ku yaala Xaafada Cakaara ee dhica Koonfur galbeed Magaalada Hargeysa. Waxayna iyadoo ka hadlaysa sababta gudida Nabadgelyadu u xidhay inanteeda curad tidhi, “Marxuumada waxa la xidhay dhamaadkii bishii hore ee  April 2010, wax denbi ah oo ay gashay muu jirin, waxa laga qaaday gurigooda iyadoo xanuunsanay oo Faleebo ku xidhan tahay, markii ay dhawr maalmood ku jirtay Saldhiga xaafada  Iftin ayaa habeen madaw la geeyay saldhiga dhexe dushiisa oo ay fadhiistaan gudida Nabadgelyadu, waxayna ku xukumeen halkaa iyadoon Maxkamad la geyn oo aan wax denbi ah oo lagu soo oogay jirin, waxa eed looga dhigay Beri ayay  mukhaadaraad (Khamri)  iibin jirtay ee ma jirin wax denbi ah oo hada lagu hayay”. Ayay tidhi.

Hooyadani waxay intaa ku dartay in markaa wixii ka danbeeyay Inanteeda loo gudbiyay Xabsiga gebilay, balse markii ay mudo todobaad ah ku jirtay uu Taliyaha Xabsigu u sheegay ciddii soo xidhay in laga qaado, maadaama ay xanuunsanay oo Dhakhtar loo gudbiyo. Laakiin markii danbe dhakhtarka la dhigay iyadoo aad u ildaran oo katiinad loogu xidhay sariirta. Sidaana ay ku dhimatay. Kadibna maydkeedii oo katiinadaysan looogu yeedhay Todobaadkii hore.

Marxuumadaa oo magaceedu ahaa Shaadiya Cabdi Ducaale oo dadeedu ahayd 40 jir, waxay Hooyadeed sheegtay inay markii la xidhay ku maqnayd dalka Ethiopia, balse ay dalka timi maalintii ay dhimatay, isla markaana ay xaaladeeda la socotay. Mar la weydiiyay in Marxuumada dhimatay keligeed la xidhay iyo inay jireen dad kale oo lala xidhay, ama haddiiba ay ogtahay waxa lagu eedeeyay, waxay iyadoo  ka jawaabaysa tidhi, “Anigu waxaan ku maqnaa Adis-baba, waxay ahayd hablihii mujaahidiinta la socday xiligii halganka, isla markaana waxay ka mid ahayd habilihii u horeeyay ee Ciidanka Bilayska la qoro,, wax Ubad ah waxay haysatay Wiil yar oo agoon ah, mudooyinkan danbe waxay ahayd qof xanuunsanaya oo Macaan iyo Dhiig kar leh, waxayna u dhimatay dayac markii gudida nabadgelyadu intay xaqdaro ku xidheen , hadana loo diiday in dhakhtar la geeyo. Dadka lala xidhay waxay ahaayeen shan qof oo midi tahay hgabadh kale oo guriga joogtay oo aan habar yar u ahay iyo saddex Nin oo guri kale laga soo qabtay, welina dadkaa kale way xidhan yihiin.”

Maamulaha Cusbataalka Gebiley Dr. Axmed  Ismaaciil Nuur. Oo aanu khadka telefoonka kula xidhiinay, si aanu wax uga weydiino markii Cusbataalka loogu keenay Marxuumadaa ka hor intii aanay geeriyoon ayaa u xaqiijiyay shebekada araweelonews in gabadhaasi ku geeriyootay Cusbataalka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Marxuumadaa  Shaadiya ka hor intii aanay geeriyoon ayaa Cusbataalka naloogu keenay iyadoo Koomo ku jirta, wixii aanu gar gaar u samayn karaynayna waanu u samaynay, balse xaaladeedu way kasii dartay, waxayna  u geeriyootay xanuunka Macaanka, waxaana loogu yeedhay Eheladeedii oo qaatay Maydka Marxuumadaa.”

Dhinaca kale qoraal ku taariikhaysan 26 April 2010 ayay  dadkaa la xidh-xidhay u qorteen Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Ismaaciil Ciro, isla markaana ogaysiin ku siiyeen Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa Maxamed  Cabdi Daa’uud, iyagoo  kaga codsanaya in la sii daayo oo xoriyadoodii loosoo celyo, maadaama aan wax denbi ah gudida nabadgelyadu ku hayn.

Balse may suurta gelin in dadkaa loo tixgeliyo codsigaa ay kaga cabanayeen caddaaladarada lagu xukumay iyo sharcidarada ay gudida nabadgelyadu ku xukuntay.

Waxayna magacyada shantaa qof oo ay ku jirto marxuumada dhimatay kala yihiin sidan:-

Cabdi Cumar Qaalib

 Shaadiya Cabdi Ducaale (Marxuumad)

Ismahaan  Siciid Cabdoo

Mustafe Jaamac Cawaale

Cabdi Maxamed Cali

Waxayna Afartaa  qof ee kale  weli ku xidhan yihiin jeelka Gebilay.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *