Hargeysa(ANN)Wasaarada amniga maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay degaanka Dhahar ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama buuraha Galgala ee duleedka Boosaaso.

sidaana waxa lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada amniga maamulka Puntland, kaas lagu xusay  in howlgalkaas oo dhacay gelinkii dambe ee shalay lagu toogtay Xasan Ismaaciil Sardheeye oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab.

“Ciidamada amniga Puntland ee degaanka Dhahar ayaa howlgalka ku dhaqaaqay ka dib markii ay ka war heleen sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo maqaaxi halkaas ku taala ka shaahaynaya, wuxuu bilaabay rasaas uu isku difaacayey ka dibna goobtaas ayaa lagu dilay” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedkaa.

Puntland waxa kale oo ay  sheegtay in howlgalka lagu dilay sarkaalka ka tirsan Al-shabaab uu ku dhintay nin kale oo rayid ah kaas oo sida ay sheegeen  ay haleeshay rasaastii laysku weydaarsanayey intii hawlgalku socday.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ninka lagu dilay hawlgalkaa oo magaciisu ahaa Xasan Ismaaciil Sardheeye uu ka mid ahaa rag muddo badan ay ku raad joogeen oo xubin ka ahaa saraakiishii hogaamineysay xoogaga Al-shabab ee buuraha Galgala kula dagaalamay ciidamadooda dagaalo ka dhacay deegaankaa marar kala duwan.

Dhinaca kale jawaabta Puntland ka bixisay hawlgalkaa, ayaa ka dhalatay ka dib markii ay Somaliland canbaaraysay falkaa ciidamada Puntland ka filiyeen deegaankaa oo ay ku tilmaantay Somaliland mid gardaro ah, isla markaana ay ka jawaabi doonaan haddii ay maamulka Puntland sii wadaan weerarada noocaa oo kale ah ee lagu dhibaataynayo shacabka Somaliland ee Degmada Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wasiirka  Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka Somaliland Maxamud Siciid Gacamay, ayaa siyaabo kala duwan u canbaareeyay hawlgalkaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *