Puntland Oo Diiday Markab Siday Shixnad Raashin Caawimo Dawlada Turkigu BixisayBoosaaso(Araweelo News Network) Maamul goboleedka Puntland, ayaa diiday in dekeda magaalada Boosaaso laga dejiyo Marakab siday deeq raashin ah

 

oo ka mid ah deeqaha dawlada Turkigu siiso Somalia, kuwaas oo ay qorshayso dawlada Federaalka ee Somalia.

Markabkaa oo siday Caawimada Hay’adda Bisha Case ee Turkigu bixiso, isla markaana qayb ka ahaa caawimooyinka Turkigu u qorsheeyay Somalia, waxa loo diiday in laga dejiyo caawimada uu siday, taas oo ay dawlada Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Gur-Guurte) u qorshaysay Maamulka Puntland.

Khaliif Ciise oo ka mid ah Masuuliyiinta Puntland ayaa warbaahinta u sheegay inay celiyeen Markabkaa iyo shixnadii raashinka ahayd ee saarnayd, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa mid siyaasadaysan oo la doonayay in fidno lagaga abuuro Puntland.

 

Sidoo kale Wasiirro ka tirsan maamulka Faroole, ayaa sheegay  in  ay go’aan adag ka qaateen markabka Turkiga, waxayna ku hanjabeen  in ay tallaabo ka qaadi doonaan hay’adda bisha Cas ee Turkiga.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay inay xidhiidhka u jaraayaan dawlada Federaalka, waxayna dastuurka Federaalka Somalia ku tilmaameen inuu noqonayo mid Maamulka Muqdisho oo keliya khuseeya. Sidoo kale Maamulka Puntland waxay hore u dawlada Turkiga ugu eedeeyeen inay caawimooyinka Somalia ku koobtay oo keliya dhinaca magaalada Muqdisho.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *